Page 1 of 1

ETHIOPIAN GENERAL'S ADMIT RECENT DEFEATS IN THE OGADEN

Posted: Wed Mar 18, 2009 11:23 am
by ahmed_gurey
ciidamada gumaysiga Itoobiya oo qirtey inay ku guul dareysteen dagaalada ka scda Ogaadeenya
Written by dhamac
Wednesday, 18 March 2009

wararka naga soo gaadhaya magaaladda Jig-jiga ayaa sheegaya in xukuumadda gumaysiga ay iminka la soo deristey xaalado cakiran ka dib markii ay ku guul dareysteen dagaalada ka socda Ogaadeenya.



saraakiisha ciidamada gumaysiga Itoobiya ee ka hawlala dhulka S/Ogaadeenya ayaa waxaa lagu soo waramaya ain cabashooyin badan ka gudbiyeen sida ay hada tahay xaalada Ogaadeenya iyagoo ku tilmaamay in ay cirka isku shareerayso xaaladu ka dib markii cadaadiska shacabka iyo midka gadoodka ciidamada gumaysiga sii laba lixaad sadeen



ciidama badan oo gumaysiga ayaa si aan caadi ahayn isu dhiibaya waxaana la sheegayaa in madaxii qaybta Doollo korneyl Manoos dilkiisii sabab u ahayd ciidamadii oo ka kala dareeray goobihii lagu ogaa waa sida uu hadal u dhigay mas’uul sare oo ka tirsan taliska gumaysiga fadhigiisu yahay Harar.



si kastaba ha ahaatee waxaa la isla qirayaa in maanta xaalada Ogaadeenya ay tahay mid si buuxda gacanta CWXO ugu jirta dhamaan shacbiga geesiga ah ee S/Ogaadeenyana maanta waxay isugu hanbalyeynayaan guulaha ay gaadheen CWXO taas oo Ka dhigan in taageeridii shacbiga ay ku garab is taageen halgankooda ay maant a guranayaan midhahii ka soo baxay.

summary

ethiopian high ranking officer's have admitted to been unsuccessful in the current wave of fighting between the ethiopian defence force's and the ONLF,the situation they say is now getting out of hand with soldier's deserting there barracks and surrendering in high number's after been overwhelmed by the Ogaden national liberation army this is directly linked they say to the killing of colonel manos of dolow which was a heavy loss for the ethiopian occupation force's.

Re: ETHIOPIAN GENERAL'S ADMIT RECENT DEFEATS IN THE OGADEN

Posted: Wed Mar 18, 2009 11:45 am
by ina aadan
guushu way soo dhowdahay maalidhow way imaan inshallaah