Page 1 of 1
?
Posted: Sat Mar 28, 2009 6:03 am
by ina aadan
war maxaa loosaaray topicaygii hore ileen waxaan sogaliyay
dad shacabah oo la xasuuqaye mise wixii qabiilka ogadeen kudhaca
unbaad ogoshihiin
Re: ?
Posted: Sat Mar 28, 2009 7:29 am
by hanqadh
inadan,
sxb waxaad sheegi kama war hayi, laakiin hadaad wax macquul oo sax aan ka dhan ahayn runta waa khalad ina la saaro
....bal warka hadana ku celi oo post garee.
Re: ?
Posted: Sat Mar 28, 2009 3:51 pm
by ina aadan
26.3.2009
Dagaal lagu hoobtay ayaa markale ka dhacay Tuulada Mulu oo katirsan Degmada Qabribayax.Abaare salaadii subax kadib ayuu dagaal lagu hoobtay labada dhinacba ka bilawday tuulada aan maga ceeda sare kusoosheegnay, Dagaalkan oo dhexmaray ciidanka sida khaaska u tababaran ee DDS iyo kooxda mucaaradka, ayaa sida wararku ku cadyihiin sheegaya in dhimashada ciidanka deegaanku uu kor u dhaafayo 17 askari meesha kooxda mucaaradkana laga dilay tiro kor u dhaafaysa 50 ruux. Dhaawac labada dhinac ayaa sidoo kale aad u tiro badan. Wararka ayaa intaas ku daraya in dadkii rayidka ahaa ay goobta dagaalka ka carareen kahor inta uusan dagaalkan dhicin sababtuna ahayd shacabka halkaas deganaa ayaa lasocday iskusoo aruursiga labada dhinac sida wararku nagusoogaarayaan.
Dhaawaca ciidanka deegaanka ayaa diyaaradaha helicoptarku usoogurayaan cusbitaalka ciidanka ee kuyaala magaalada Harar.Dagaalkan ayaa ah dagaalkii labaad ee ka dhaca degmada Qabribayax oo si wayn loogu hoobto.Isku dhaca ciidanka dawlada Ismaamulka Soomalida iyo kooxa mucaaradka ee ka hawlgala deegaanka ayaan u muuqanin mid soo afjarmaya inkasta oo ciidanka deegaanku uu kor u qaaday hawlaha lagu soo afjarayo dhinaca amaan xumida kajirta deegaanka.Kooxda mucaaradka ee ONLF ayaa u muuqata mid kor u siiqaadaysa kasoohorjeedkeeda militari ciidanka amaanka dawlada Ismaamulka Somalida.
War kale oo naga soo gaadhay magaalada Diridawa ayaa sheegaya in uu shir ooga bilawday Maamulada OROMADA iyo SOOMAALIDA oo dagaal beeleed dhexmaray Oromada iyo Hawiyaha oo dhinac ah iyo Ciisaha oo dhanka kale ah, Ciisahana Laga dilay 47 nin meesha Oramadana 17 nin lagadilay.Hadaba labada madaxwayne oo shir isugu yeedhay sidii ay u heshiisiin lahaayeen beelahan dagaalka dhexmaray ayay beesha Ciise ku gacansaydheen Madaxwayne Daa’uud Halkiina uu Ugaaskii oogu cadeeyeen in ayna Heshiis qaadan haynin Inta nin naga noolyahay.Sidaas darteed ayaa shirkan ku dhamaaday is afgaradwaa iyo natiijo la'aa
Re: ?
Posted: Sun Mar 29, 2009 7:12 am
by hanqadh

inaadan maansho laga saaray waxaad soo qortey....ileen qashin iyo wax aan loo joogin baad keentay meesha,sxb warkan daaud axmaar iyo ciidan dhabaqoodhiga iyo kan habashida u hambalyeynaya ani uma arki war sax ah..laakiin inadan ow hadaad athi war kadhageysan nimanka caloolstayaasha meles kitaabkiisa ku daartey ee raba inay soo afjaran halganka dadka dhibaateysan ee ogadenia adey kuu taalaa....dauud axmar website qurxinaya cajuus dibiray oo dhiiga dadka kasoo dargey war uma arki....sida kale athi sideed wax u aragtaa, ma waxaad ka soo horjeedaa ONLF? hadey saa tahay? maxaa keenay arintaas? qasab kugugu ma aha tageer ONLF laakiin xishmme halganka maxaa yeelay waad aragta dadka sida maalinkasta loo galayo.
wa salaam...hadaan sheekada sii kale u arkay oon kugu khaldamay iiga raali ahow.
Re: ?
Posted: Mon Mar 30, 2009 7:31 am
by ina aadan
hanqadh wrote::lol: inaadan maansho laga saaray waxaad soo qortey....ileen qashin iyo wax aan loo joogin baad keentay meesha,sxb warkan daaud axmaar iyo ciidan dhabaqoodhiga iyo kan habashida u hambalyeynaya ani uma arki war sax ah..laakiin inadan ow hadaad athi war kadhageysan nimanka caloolstayaasha meles kitaabkiisa ku daartey ee raba inay soo afjaran halganka dadka dhibaateysan ee ogadenia adey kuu taalaa....dauud axmar website qurxinaya cajuus dibiray oo dhiiga dadka kasoo dargey war uma arki....sida kale athi sideed wax u aragtaa, ma waxaad ka soo horjeedaa ONLF? hadey saa tahay? maxaa keenay arintaas? qasab kugugu ma aha tageer ONLF laakiin xishmme halganka maxaa yeelay waad aragta dadka sida maalinkasta loo galayo.
wa salaam...hadaan sheekada sii kale u arkay oon kugu khaldamay iiga raali ahow.
war anigu ma waxaan sheegay wax onlf lidd kuah
midakale onlf waa dawladeene caasi haygadhigin