Ugaaskii cawlyahan oo laxidhay
Posted: Sat May 02, 2009 7:54 am
UGAAS DIIRIYE UGAAS ASKAR oo xabsiga loo taxaabay caawa.
Hargele. (Afdheer) Ugaas Diiriye Ugaas Askar oo ku sugnaa madasha shirka ka socday degmada Hargeele ee Gobalka Afdheer ayaa waxaa caawa xabsiga dhigeen maamulka kililka 5-aad ee deegaankaas jooga.
Xariga Ugaaska ayaa la tuhunsan yahay arin ku saabsan dagaalo bilihii aanu soo dhaafanay ka dhacay tuulada Gabal oo ka tirsan degmada Cadaadle Inay dadka shacabka ah ee deegaankaas ku nool isdifaanna ku taageeray Ugaasku iyo waliba dhaqdhaqaaqa la sheegay in ay jabhada ONLF-tu ka bilowday gobolka Jabhadaas lagu sheegay kuwo Afdheer ka abuurmay.
Ugaaska waxaa lala xidhay Odayaal kale oo ay ka mid yihiin Aden C/qaadir oo ku magac-dheer Xaaji Jabuuti iyo Cabdi Guuleed.
Arinka xariga Ugaaska iyo Odayaasha ayey dadka deegaanku aad ooga xumaadeen kuna sheegeen mid sii kiicin doonta xiisadda ka taagan gobalka afdheer. Arinka xidhxidhida ah ayaa waxaa caan ku ahaa dhamaan maamuladii soo maray deegaanka oo caadaystay in ay cadaadiyaan bulsha laamaheeda kala duwan iyagoo xataa aan xurmo siineyn hoggaanka bulshooyinka waxaana xabsiyada Itoobiya ku jira rag ay ku caano shubteen bulsho oo ay u doorteen oday dhaqameed kuwaasoo bir-magaydo ay u taqaanay Soomaalidu.
In la xidho Ugaas beeleed reer afdheer ah ma aha markii ugu horreysay waxaana xabsiga Jigjiga ku jira Ugaasyo aan wax dembi ah galin.
Waxaa xusid mudan in hogaankii nabadgaliyada ee Kililka Cabdi Ileey uusan ka qayeb galin shirkan looga hadlayey arimaha Nabagalida, khabiiro ku xeeldheer arimha kililka ayaa arinkaas ku fasiray inuu Cabdi yahay Qorax galbeed oo xiligiisii sii dhamaanayo.