Page 1 of 1

Jabkii wayaanaha oy shabakadii daba-qoodhiguna qarinwaayeen

Posted: Thu Aug 27, 2009 3:42 am
by ina aadan
Jijiga(Kilil5)---Sidii aad kala socoteen wararkayagii shalay, waxaan xaqiijinay in dagaalkii shalay ciidamada maleeshiyada Degmada Jijiga iyo ONLF ku dhex maray meel la yidhaa Booraale oo ka tirsan dagmada Qabribayax ee gobolka Jijiga in ay ku dhinteen ciidamo gaadhay 30 qof oo uu kamid ahaa Hogaankii Nabadgalyada Degmada Jijiga Cabdulaahi Faroole Alle ha u naxariisto dhamaantoode balse uuse uuna ahayn Hogaankii nabadgalyada Gobolka.

Hogaanka iyo ciidan kontomeeye ah oo uu watay ayaa loo diray hawlgal ay ku raad goobayeen Jabhada, ciidamadan oo sida warku nagu soo gaadhay ka baxay degmada Qabribayax ayaa waxa loo malaynayaa in bixitaankooda ka hor dig-niina lasiiyay jabhada isla markaana ay u sii diyaar garoobeen oo ay kaga horyimaadeen ciidan tiro badan isla markaana ay ka il horeeyeen. Sikastaba ha ahaatee wali waxaan la heli khasaaraha soogaadhay ONLF inta uu leegyahay.

Mudo hada bil iyo wax yar laga joogo ayaa dagaal sidan ookale u adag ay Ciidamada gaarka ah ee deegaanka “Liyuu Police” ka iyo ONLF uu ku dhex maray Qabridahar halkaas oo ay ku dhinteen afartameeye ka tirsanaa ciidamada booliska gaarka ah inkastoo ay khasaare culus gaadhsiiyeen jabhada. Iyada oo hada deegaanku uu yeeshay cudud xoogan oo dhanka ciidamada ah kuwaas oo isugu jira Ciidamada faderaalka, Police ka gaarka ah iyo Maleeshiyada lana filaayay in ay xididada u siibidoonan dhaq-dhaqaaqyda nabadiidka ayaa waxaa isasoo taraysa hawlgalada, waxyeelooyinka iyo dagaalada ay wadaan kooxahan mucaradku.

Ciidamada Liyuu booliska deegaanka oo inta badan iyaga ay dagaalka iskaga horyimaadaan kooxahan mucaaradka ah ayaad moodaa waxoogaa in ay ka liitaan dhanka hawl galka, ciidamadan oo u badan dhalin yar, tababar dhawr bilood ahna lagu siiyay Jinacsani ayaad modaa in hadana aysan lahayn khibradii dagaal ee loo baahnaa, taasna waxaa kuu cadaynaysa in badiba dagaalada ay la galaan kooxahan kasoo horjeeda ay aad u dhintaan amaba ama khaasri aan laga filaynini soogaadho had iyo jeer. Waxaakale oo iyaduna jirta in ciidamadii faderaalka ee dalku ay hawlgaladii milatari oodhan u daayeen ciidamada somalida ee Liyuu police isla markaana ciidamadan cusubi aysan ka faa’iidin wax khibrad ah ciidamadii kasi horeeyay ee fadaraalka kuwaas oo iyagu hada ku kooban magaalooyinka wax hawl gal ahna aan kasamaynin hawdka.

Kilil5 Online
Jijiga

Re: Jabkii wayaanaha oy shabakadii daba-qoodhiguna qarinwaayeen

Posted: Thu Aug 27, 2009 6:35 am
by hanqadh
ALAAAAAAAAAAHU AKBAR ......ONLF GUUUUUUUUL....BISHA RAMADAN ILAAHAYOO MUJAHIDIINTA XAQDA AH GUULEYSII.

WAA WAR FIICAN INA AADAN, SI FIICAN BAAN U AFURAY CAAWA. :up:

Re: Jabkii wayaanaha oy shabakadii daba-qoodhiguna qarinwaayeen

Posted: Fri Aug 28, 2009 8:55 am
by Queen_Arawello
hanqadh wrote:ALAAAAAAAAAAHU AKBAR ......ONLF GUUUUUUUUL....BISHA RAMADAN ILAAHAYOO MUJAHIDIINTA XAQDA AH GUULEYSII.

WAA WAR FIICAN INA AADAN, SI FIICAN BAAN U AFURAY CAAWA. :up:


:up: :up: :up: :up: :up: :up: :up: :up: :up:

Re: Jabkii wayaanaha oy shabakadii daba-qoodhiguna qarinwaayeen

Posted: Sat Nov 07, 2009 12:21 pm
by sheekh-Farax-zero
too sad wallaah,,, waxaan guul maha waa jab, kugu dhimay oo kaa dhimay,, :down:

Re: Jabkii wayaanaha oy shabakadii daba-qoodhiguna qarinwaayeen

Posted: Sat Jan 16, 2010 1:23 am
by guhad122
Good point sheekh-Farax-zero! The focking Tigreans have been planning for this years because they realized that they can't afford too many losses. These kids they collect from the major Ogadenia cities are used as shields by the Tigree. The unfortunate thing is that the two guys fighting each other are cousins and for the Tigree that is a major victory. Kugu dhimay kaa dhimay. That is why ONLF needs new leadership and new direction. The real Ethiopian soldiers don't even come out from the major cities such Wardheer and Qabri-Dahar. The ONLF needs new policies, new leadership, new approach for the struggle.