Ugaas Diiriye Ugaas Askar oo la siidaayey
Posted: Mon Oct 05, 2009 8:02 am
JigJiga: (Afdheer) Ugaas Diiriye Ugaas Askar oo ka mid ahaa maxaabiista ku xidhan Jeel - Ogaadeen ayaa lasiidaayey maanta kadib markii ay dadka ku nool gobolka Afdheer iyo deegaano kale oo ka tirsan Kililka 5aad siideyntiisa codsadeen,
Ugaaska ayaa laga soo xidhay gobolka Afdheer oo ku yaal Koonfurta gobolka Ogaden gaar ahaan degmada hargeelle, kadib qiimeyn lagu sameeyey gobolkaas mar uu tagay madaxweynaha Dowladda Deedaanka Soomaalida Mudane Daa`uud Maxamed Cali.
Xadhigga Ugaaska warar aan sugneyn oo aanu ka helnay markii la xidhay ayaa sheegayey in ay ka dambeysay kadib marklii lagu eedeeyey inuu diiday saxeex kusaabsanaa in Qoysas laga soo raro degta kale ee webi-Cilaan lanasoo dajiyo deg Cowlyahan Webi Shabeelle tuulo lagu magacaabo GABBEL, iyo inuu gobolka Afdheer kusoo hoggaamiyey uguna yeedhay jabahadda Onlf.
Dhammaan eedeymahaas ayuu Ugaas Diiriye iska diiday kuna tilmaamay kuwo been abuur ah.
Shacabka ku nool gobolka Afdheer iyo Jaaliyadaha gobolkaas ee ku nool dalka Dibaddiisa ayaa aad uga xumaaday markii Ugaaska Cowlyahan lagu xidhay Jeel Ogaadeen, taas baddelkeedana soo dhaweeyeen talaabada ay qaadeen maanta madaxda Kililka 5aad ee siideynta Ugaaska.
Ugaas Diiriye xadhigiisa waxaa aad uga xumaaday dadka ku nool Afdheer, Galbeedka gobolka Godey iyo guud ahaan deegaanada ay nabadu ka jirto.
Waxaana Jigjiga safar ku yimid Odayaal iyo Ugaasyo, Ugaas Haaruun Ugaas Dacar iyo Ugaas Xuseen Ugaas Cabdi oo kulan la qaatay madaxda Kililka 5aad ayaa ka dalbaday madaxda sare ee Kilika inay si deg deg ah usiidaayaan Ugaas Diiriye oo ay ku Ammaaneen sida uu u gutay xilka ay shacabku u doorteen iyo ka shaqeynta nabadgeliyada deegaanka.
Maamulka Afdheer.com ayaa soo dhaweynaya talaabada geesinimada leh ee ay qaadeen dhammaan madaxdii ka qeybqaadatay siideynta Ugaas Diiriye.
Jigjiga - Afdheer