Prof Cali C.Raxmaan Xirsi oo Dhagax dhigay Jaamacada Maakhir
Posted: Wed Mar 03, 2010 5:59 pm
Badhan Prof Cali C.Raxmaan Xirsi oo Dhagax dhigay Jaamacada Maakhir University
Magaalada Badhan ayaa la dhagax dhigay Jaamacada Maakhir University taasi oo ay Dhagax dhigeeda Joogeen Masuuliyiin badan oo ka Tirsan Jaliyada dibada iyo Maamulka Degmada ee dhanka Maamulka Puntland, sidoo kale Suldaan Siciid Cabdi Salaan ayaa isna Meesha ka Muuqday.
Ugu horayn Prof Cali Cabdiraxmaan Xirsi oo ka mid ah Ragii ay Maskaxdooda ka soo Maaxatay Abuuritaanka Jaamacada Deegaanka Maakhir ayaa Sheegay in Muhiimada Jaamacadan ay tahay in Sare loo qaado aqoonta Heer Jaamacadeed ee daka deegaanka.
Prof Cali ayaa xusay in Jaamacad dhismaheeda aanu ahayn wax sahlan isla markaana ay u baahan tahay Adeegyo badan oo Aasaasi ah waxana Ugu Horeeya Buu Yiri Macalimiinta iyo Buugagta jaamacada laga dhigayo inay Noqdaan kuwa Tayo Leh.
"Maha in la Yiraahdo Jaamacad baa la dhisayaa oo layska ilaawo e, waa in dhamaan aqoonyahanada Deegaanka iyo Ganacsatada ay dhexda u xidhaan sidii loo dhamaystiri lahaa Dhismaha Jaamacadaasi"Ayuu Yiri Prof-ka oo Xaflada dhagax dhiga Ka hadlayay.
Prof-ka ayaa Cara baabay inay Jaamacada Maakhir University ay Mataanaynayaan Jaamacadaha Aduunka Ugu sareeya si ay Jaamacadu u Noqoto mid Tayo leh oo Magaca iyo Maamuus aduunka ka Yeelata.
Waxa isna Hadlay Suldaan Sicid C/Salaan oo u Mahad Naqay Prof Cali kuna Tilmaamay Hormar Bilaw ah inuu Daadihinayo.
Suldaanka ayaa u jeediyay dhamaan qurba Juugta reer Maakhir inay kaga dhabeeyaan Jaamacada oo ay Wadaan Abaabulka dhisamaha Jaamacada.
Dhismahan Jaamacada ayaa waxa soo dhaweeyay Boqolaal Arday reer Maakhir ah kuwaasi oo ka Takharujay Iskuulada Sare ee Deegaanka Maakhir sida Dhahar,Badhan, Hadaaftimo, Buraan iyo Xingalool,Ceelbuh, iyo Midi Gale,