Postby oldenglish » Mon Jul 19, 2010 11:23 pm
Dowlad Goboleedka Maakhir ayaa kordhisey tirada xubnaha wakiilada iyo Beelaha Jubada Hooose Xubno laga siiyey
August 16, 2007 in Maakhir
Badhan:- Dowlad Goboleedka Maakhir State of Somalia ayaa waxay kordhineysaa tirada Goleheeda Wakiilo iyadoo beelaha Jubada Hoose ee Cawramale laga siinayo xubno dheeraad ah si ay uga qeyb qaataan Maamulka Maakhir State iyadoo tirada la siiyey ay gaarayaan 5 xubnood.
Tirada loo qoondeeyey Golaha Wakiilada markii hore ayaa waxay ahaayeen 33 wakiil oo ka socda beelaha Warsangeli iyadoo hadana ay tirada Wakiiladu ay gaareyso ilaa iyo 38 xubnood.
Masuuliyiinta sar sare ee maamul Goboleedka Maakhir ayaa waxay noo cadeeyeen goor aanu wax ka weydiiney sababta keentey in tirada xubnaha Golaha wakiilada la kordhiyo noo sheegey iney u arkeen iney daruuri tahay in beesha Cismaan Ibraahim ee Kismaayo ay helaan wax u metala Golaha Wakiilada ee Maakhir State of Somalia.
Dowlada Goboleedka oo dhidibada loo istaajiyey kadib markii la arkey dayaca ka muuqda Gobolka Sanaag iyo Galbeedka Gobolka Bari oo tan iyo intii dagaaladii sokeeye ay bilowdeen aan wax horumarin ah la gaarin, dowlad goboleedkii Puntland ee ka talin jirteyna ay ka gaabsatey wax tarka deegaanadaas.
Sidoo kale waxaa weli socda qaab dhismeedka Dowlada iyadoo maalmahan fooda inagu soo haya la dhameystiro doono Golaha Xooghayaasha oo intooda badan hada la magcaabey.
Waxaanu dhowaan isku deyeynaa inaan wareysi cod ah la yeelano Afhayeenka Baarlamaanka Mudane Guure oo hawlo shaqo hada ku jira kuna mashquulsan Deegaanka Dhahar iyo Baraagta Qol.
Raz Shirwa, Badhan, Somalia