Page 1 of 1

Maakhir Society Hadafkiisu Waa Maxay ?

Posted: Sat Nov 27, 2010 3:32 pm
by muftaax
Waxa dhawaan Dalka UK Gaar ahaan London Looga dhawaaqay Urur loogu Magac daray Maakhir Society kaasi oo dhaqaale laagu Raadinayo Somaliland oo 1991- Sheegtay inay Somaliya ka Goostay isla markaan ayna ka mid ahayn Minidama Somaliyeed.


Kuwa Horboodaya Ururkaasi ayaa dhalasho ahaan ka soo Jeeda Deegaanada Maakhir waxan ay u badan yihiin Koox dhalinyaro ah oo aan Feker Fiican ka haysan NSMta iyo Xaqiiqda deegaanka ka Jirta.

Rag Aad loogu Yaqaan u Ololaynta NSM markii Siilaanyo ahaa Musharaxa aya Laga dhex arkayaa Liiska ay Kooxdaasi na soo Gaadhsiisay Maanta iyaga oo doonaya inay Bulshada Reer Maakhir Jaah Wareeriyaan.

Qaarkood waxay Xusul duub xoogan u Jiriin inay afka ciida u daraan Maamulkii Sanakdii 2007-kii Hana qaaday ee Maakhir State iyaga oo Qurbaha kooxdaasi ka waday Shirar looga soo Horjeedo Maamulkaasi.

Kooxdan Salada la Wareegaysa UK waxay Madaxa la soo kacaan Mar kasta oo Hididiilo Horumar ah ka soo Iftiimo Sanaag, iyo Hayland waxana la doonayaan in lagu Jabiyo Dadaalka laga wado Qurba Qaarkiis sida UK, Qayb ka ka mid ah USA iyo Kenya Dadaaladaasi ayaa looga Gol Leeyahya in La qabto Shir Wada tashi oo Noqondoona Aya ka Taliska Maakhir.