conflict in xawadleey district m/shabelle sorted out
Posted: Tue Feb 24, 2009 4:51 pm
Maamulka Maxkamadaha islaamiga ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegeen in ay heshiis nabadeed dhex dhigaan beelo dhawaantani xurguf colaadeed ay ka dhex aloosneeyd.
Taliyaha ciidamada ammaanka maxkamadaha islaamiga ee gobolka Hiiraan Axmed Cusmaan Cabdalla (Axmed Inji) oo shalay shir Jaraa'id ku qabtay magaalada Baladweyne ayuu kaga hadlay arimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin xisadaha colaadeed ee ka dhex aloosan beelaha wada dega xadka kala qeybiya gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe.
Axmed Inji waxaa uu sheegay in beelaha ku dirirsanaa xadka kala qeybiya gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe ay kuwada gaareen heshiis horu dhac ah kaasi oo ay soo qabanqaabiyeen Ciidamada ammaanka Maxkamadaha islaamiga ee goboladaasi iyo waxgaradka labada gobol iyo weliba culumaa'udiinka iyo odayaasha deegaanka ay xurgufta ka taagneeyd.
Waxaa uu taliyaha sidoo kale sheegay in labada beelood ay wada gaareen qodobo ay ka mid yihiin in la dilo qofkii qof dila sida ay shareecada islaamka qabto,waxana uu xusay in deegaanada ku yaala xadka kala qeybiya gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe ay ku sugan yihiin ciidamo ka kala socoda goboladaasi oo taabacsan maxaakiimta islaamiga isla markaana sugaya ammaanka tan iyo inta laga gaarayo gogol nabadeed oo ay wada gaaraan labada beelood.
Taliyaha ciidamada ammaanka maxkamadaha islaamiga ee gobolka Hiiraan Axmed Cusmaan Cabdalla (Axmed Inji) waxaa uu xusay in dhawaan ay gogol nabadeed oo lagu soo afmeerayo dagaalada sababay in ay dhiig badani ku daataan ay isugu imaan doonaan wax garadka iyo salaadiinta labada beelood ee ku dagaalsan halkaasi kuwaasi oo soo afmeeraya dhibaatada raagtay ee sababtay in dad badani ay isaga barakacaan.
Waxaa heshiiskani horudhaca ah aad u soo dhaweeyay dadka xoolo dhaqatada ah ee ku dhaqan halka ay dagaalada ka taagnaayeen,waxana la saadaalin Karin heshiiska ay wada gaareen beelaha Xawaadle iyo Abgaal oo heshiis ay wada gaareen horay u fashilmay taasi oo ay isku dayeen salaadiinta beelaha ay ka soo kaa jeedaan.

maxaakiimta golobadaan jooga na ha qabqabtaan tuugaha dadka dhacaya.