Page 1 of 1

sh yacquub cabdulahi ciise resigns

Posted: Tue Feb 24, 2009 4:52 pm
by Somaliman50
Gudoomiyihii maxkamada magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa waxaa uu sheegay in uu iska casilay xilkii uu hayay.

Warqad qoraal ah oo sheikh Yacquub Cabdullaahi Ciise uu soo gaarsiiyay xafiiska warqabadka Idaacada Shabelle ee magaalada Jowhar ayaa waxaa uu ku cadeeyay in uu iska casilay xilkii gudoonka iyo garsoorka ee uu ka hayay maxkamada magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe.

Kadib markii uu warqadaasi is casilaada ah uu soo gaarsiiyay xafiiska warqabadka Idaacada Shabelle ee magaalada Jowhar ayuu sheikh Yacqub ka war bixiyay waxyaabaha ku dhaliyay in uu iska casilo xilkii uu hayay,waxana uu sheegay in wada shaqeyn la'aan iyo weliba baahi dhanka wax qabadka ah in uu isaga tagay xilkii waxana uu shacabka reer Jowhar iyo guud ahaan kuwa ku dhaqan gobolka Sh/dhexe ka codsaday in ay iska cafiyaan waxyaabihii uu ka galay xiligi uu talada maxkamada hayay.

Masuulkani ayaan noqoneeyn kii ugu horeeyay ee iska casila xilka maxkamada magaalada Jowhar,waxana horay isku casilay gudoomiyihii racfaanka gobolka Sh/dhexe kaasi oo iscasilaadiisa ku saleeyay wada shaqeeyn la'aan hay'adaha garsoorka iyo musuq maasuq ka dhex jira hogaanka Sare ee maxaakiimta Islaamiga ee gobolka Sh/dhexe.

Ka tagida shaqada ee Shiikh Yacquub C/llaahi Ciise gudoomiyihii maxkamada magaalada Jowhar ayaa waxaa ay ku soo aadeeysaa xili dadweyne farabadan ay hora tuban yihiin iridka horae ee maxkamada magaalada Jowhar kuwaasi oo doonaya in loo kala dacwad qaado.

Re: sh yacquub cabdulahi ciise resigns

Posted: Tue Feb 24, 2009 4:54 pm
by Addoow
Murusade do not live here. :down:

Re: sh yacquub cabdulahi ciise resigns

Posted: Tue Feb 24, 2009 4:59 pm
by Somaliman50
^ :lol: walaalkaa iyo diriskaaga sow mi ihi