jowhar reconstruction to be planned by ICU in midle shabelle
Posted: Mon Mar 02, 2009 5:19 pm
Shabelle: JOWHAR
Maxakamada islaamiga ee gobolka Sh/dhexe ayaa ganacsatada magaalada Jowhar ku amaray in ay daycatiraan wadooyinka magaaladaasi oo burbursan.
Amarkani ka soo baxay xafiiska maamulka maxaakiimta islaamiga ee degmada Jowhar ayaa waxaa lagu amaray ganacsatada magaaladaasi in ay dayactir ku sameeyaan dhamaan wadooyinka waaweyn ee dhex mara magaalada Jowhar.
Amarkani ayaa waxaa uu yimid kadib markii kulan looga hadlayay wadooyinka burbursan ee magaalada Jowhar uu dhex maray masuuliyiinta maamulka maxakamadaha ee magaaladaasi,waxaana ganacsatada lagu amaray in cid waliba ay ka qeyb qaadato dayactirka lagu sameeyo wadooyinka Burbursan ee magaalada.
Waxaana amarka lagu sheegay in maamulka degmada Jowhar uu gacan ka geysan doono sidii loo dayactiri lahaa wadooyinka burbursan ee magaaladaasi.
Wareegtada ka soo baxaday maamulka maxaakiimta islaamiga ee magaalada Jowhar ayaa waxaa ku saxiixnaan gudoomiyaha maamulka Maxaakiimta ee degmadaasi Cali Cabdulle Nuur.waxaana lagu sheegay in cidii u hogaansami weysa amarkani tilaabo laga qaadi doono.
Wadooyinka waaweyn ee magaalada Jowhar dhex mara ayaa waxaa ku yimid burbur xoogan oo aan helin wax dayactir ah tan iyo markii ay meesha ka baxday dowladii dhexe ee dalka ka arimineeysay.