cars with tinted windows to be banned in jowhar
Posted: Sun Mar 08, 2009 5:01 pm
Wareegto ka soo baxday Maamulka Maxkamadaha Islaamiga ah ee gobolka Sh/dhexe ayaa waxaa lagu mamnuucay in gudaha gobolka lagu dhex wato gawaarida muraayadaha beensalka ah leh oo aan la arki jirin wax gudaha ku jira.
Maamulka Maxkamadaha islaamka ee gobolka Shabeelada dhexe ayaa mamnuucay in gudaha wadooyinka magaalada Jowhar lagu dhex wato gawaarida muraayadahooda ay yihiin madoowga ama beensolka sababo dhinaca amaanka ah.
Wareegtadaan uu ku saxiixnaa Guddoomiyaha Maamulka Maxkamadaha Islaamka ah ee gobolka Sh/dhexe sheikh Dahir Cadow Calasow ayaa waxaa lagu mamnuucay in gobolka lagu wato gawaarida muraayadaha madowga ay yihiin, taas oo dhaqan galaysa 10-ka bishan wixii xilligaasi ka dambeeyana ciddii u hoggaansami wayda waxaa laga qaadayaa talaabo sharciga waafaqsan.
Go’aankaan uu maamulka Maxkamadaha Islaamka ee Gobalka shabeelada dhexe soo saaray ayaa qeyb ka ah howlgalo amaanka gobalka lagu sugayo, iyadoo ciidamada maxkamadaha ay wadaan howlgalo aan joogsi lahayn oo lagu sugayo amaanka guud ee Gobalka gaar ahaan gudaha magaalada Jowhar.
Gudaha magaalada jowhar ayaa durbadii waxaa laga dareemay in loo hogaansamay wareegtada maamulka Maxkamadaha waxaana bilowday in gaadiidka laga fujinayo beensolka ama waxyaabaha madow, islamarkaana waxaa soo dhaweeyay dadka deegaanka.
Xafiiska Wararka Almaxaakim
http://www.almaxaakim.com/view.php?id=754