Page 1 of 1

Jowhar falls to Alshabaab

Posted: Sun May 17, 2009 7:13 am
by Somaliman50
Xoogaga Al shabaab goor dhoweyd oo duhurnimadii maanta ah la wareegay gacan ku heynta magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe ka dib dagaalo kooban oo ka dhacay gudaha magaaladaasi kuwasoo dhexmaray xoogaga midowga maxkamadaha Islaamka ee magaalada gacanta ku hayey iyo kuwa Al shabaab ee halkaasi weeraray.

Xoogaga Al Shabaab ayaa la sheegay iney gaaf wareegayaan wadooyinka magaalada Jowhar iyagoo sidoo kale ku sugan saldhiga magaaladaasi, waxaana la sheegay in ilala 3 askari oo ka tirsanaa ciidamada maxaakimta Islaamka ay dagaalkaasi ku dhinteen lamana sheegin qasaare soo gaaray dadka rayidka ah ilaa hadda.

Dhinaca kale dagaalo ayaa waxaa weli ka soconayaan deegaanka Garsaale oo 20-km dhinaca koonfureed kaga beegan magaalada Jowhar kaasoo u dhexeeya ciidamada Maxkamadaha iyo ururka Al Shabaab

Wixii warar ah ee ka soo kordha kala soco bogan insha ALLAAH saacadaha soo socda