Page 1 of 1

Balcad is finally Al Kelab free

Posted: Tue Jun 26, 2012 11:04 am
by TheblueNwhite
Talaado, June 26, 2012 (HOL) — Ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM ayaa saakay oo Talaado la wareegay gacan ku haynta degmada Balcad ee gobolka Shabeellad Dhexe oo 30-km dhinaca waqooyi kaga beegan Muqdisho.

Taliyaha guutada koowaad ee ciidamada milateriga Soomaaliya, Jen. C/lalahi Cali Caanood ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa garabka siinaya ee AMISOM ay si nabadgalyo ah ku qabsadeen degmada Balcad ayna hadda ku wajahan yihiin degmada Jowhar.

"Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM nabadgalyo ayay ku qabsadeen degmada Balcad, haddana waxaan uga gudubnay dhinaca degmada Jowhar," ayuu yiri Jen. Caanood.

Xarakada Al-shabaab ayaa dhankeeda xaqiijisay in degmada Balcad ay gacantooda ka baxday, iyagoo sheegay inay ka dhaceen degmadaas laba qarax oo ay ku aaseen intii aysan ka bixin, kuwaasoo aysan sheegin khasaaraha ay geysteen.

"Degmada waxaa saakay la wareegay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo wata gaadiid dagaal oo ay ka mid yihiin taangiyo," ayuu yiri goobjooge ku sugan degmada Balcad oo warbaahinta la hadlay.

Ma jiraan khasaare ay dagaalladaas dhaliyeen, waxaana degmadan ay noqonaysaa degmadii labaad oo ku dhow Muqdisho oo laga qabsado xoogaga Al-shabaab, iyadoo bishii hore ay ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen gacan ku haynta degmada Afgooye oo Muqdisho u jirta 30-km.

Xarakada Al-shabaab ayaa waxay u muuqataa inay dhul ballaaran luminayeen tan iyo sannadkii hore daba-yaaqadiisa oo ay ka baxeen degmooyinkii ay Muqdihso kaga sugnaayeen, iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa caawinayay dhul aanay horay u joogin isku fidinayaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya

Re: Balcad is finally Al Kelab free

Posted: Tue Jun 26, 2012 11:55 am
by TheblueNwhite
Ra’isulwasaaraha Iyo Xubno Ka Tirsan Golaha Wasiirrada Oo Kormeer Ku Tegay Degmada Balcad Iyo Deegaanno Kale

http://www.hayaanpress.net/2012/06/26/d ... da-balcad/
Ra’isulwasaaraha ayaa Wasiirrada kormeerkiisa ku wehliyey waxay kala yihiin Ra’isulwasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha,Wasiirka Dekedaha,Gaadiidka Badda,Cirka iyo Dhulka Mudane C/laahi Aadan,Wasiirka Qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga ah Mudane C/laahi Goodax Barre,Wasiirka Dastuurka,arrimaha Federaalka iyo Dib U Heshiinta Mudane C/raxmaan Xoosh Jibriil iyo saraakiil Ciidammada ka tirsan.

Re: Balcad is finally Al Kelab free

Posted: Tue Jun 26, 2012 2:31 pm
by sahal80
Muduloodland waa dawalad, amir sharif knew this. Weeks and jowhar and all middle shabeele will be free. Even if he didn't get elected, he has done much to his homeland. :up:

Re: Balcad is finally Al Kelab free

Posted: Tue Jun 26, 2012 4:33 pm
by Oba
Next Jowhar,Warsheikh,Ceeldheer and Xarardheere :som: