Degmooyin cusub - Ceel Baraf, Ceel Axmed and Al Kowsar
Posted: Wed Aug 08, 2012 10:43 pm
Ceel Baraf
Deegaanada loo aqoonsaday in ay yihiin degmo buuxda ayaa waxaa ka mid ah Ceelbaraf,Alkowsar iyo Ceel Axmed. Degmooyinkan cusub ayaa ah deegaano waaweyn oo si weyn u camiran isla markaana dadka ku nool ay yihiin qaar dadaal ugu jira sidii loo horumarin lahaa.
Degmada Ceelbaraf oo u dhexeysa degmoyinka Mahaday iyo Adan Yabaal oo haatan si rasmi ah loogu aqoonsaday ayaa ah degmo wax soo saarka beeraha iyo xagga dhaqashada xoolaha caan ku ah.