Kulan lagu taageerayay musharaxa Dr. Cumar Salaad oo ka dhacay Muqdisho
SHABELLE MEDIA NETWORK APRIL 25, 2012 COMMENTS OFF
Muqdisho ( Sh. M. N) Kadib kulan manta Magaalada MUqdisho ay ku yeesheen qaar ka mid ah odayaasha beelaha Hawiye iyo Dr. Cumar Salaad Cilmi oo isku soo sharacay xilka madaxtinimo ee dalka ayaa waxa uu sheegay in isbadal muuqda uu ku sameynayo dalka hadii uu ku guuleysto xilkaasi.
Dr. Cumar Salaad oo kulankaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in dalka uu ka soo qabtay maamulo badan waxaana uu carabka ku dhuftay in markii uu arkay in madaxdii ka horeysay ay ku fashilmeen dib u soo celinta nadaamkii iyo kala dambeyntii dalka uu garowsaday in uu isku soo taago qabashada jagada madaxtinimo si uu xasilooni ugu horseedo shacabka Soomaaliyeed.
Gudoomiyaha golaha dhaqanka iyo midnimada beelaha Hawiye Nabadoon Max’ed Xasan Xaad oo isna kulankaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in musharaxaani oo ay aaminsanyihiin in uu nabad u horseedi karo shacabka ay soo dhaweynayaan, isagoo u soo jeediyay talooyin farabadan.
Sidoo kale mid ka mid ah waxgaradkii ka soo qeyb galay kulankaasi ayaa waxa uu sheegay in ay soo dhaweynayaanh musharaxaani, isagoo ugu baaqay hadii uu ku guuleysto xilkaasi in uu ku shaqeeyo cadaalada.



