Odayaasha gobolka Mudug ee Somalia baa ku maahmaaha '' Mudug caqli iyo xigmadi mataal ee dadku wuxuu ku kala joogaa xoog''.
Dalka Somalia, qabiiladu waa ku kala duwan yihiin habdhaqameedka, anshaxa iyo isticmaalidda hagardaamooyinka la isku wanjalo iyo waliba qabyaaladda aan sariigta lahayn. Deetana waxaa yimaada isku dhac xagga ammaanka iyo is-aaminaadda ah waana fidnada maanta inta badan galaafatay bulshweynta Soomaaliyeed oo xasilooni u diitay iyo hishiis waara oo ka hanaqaada dalka Somalia dhowr iyo labaatan sano kagadaal.
Laga soo bilaabo 1993, Airport-ka Gaalkacyo oo asalahaan ah hanti uu leeyahay qaranka Soomaaliyeed waxaa maamula oo gacanta ku haya maleeshiyaad reer Puntland ah kuwaas si fool xun oo bili'aadanimada, anshaxa suuban iyo Soomaalinimada ka baxsan ula dhaqma bulshada reer Galmudug oo isticmaala Airport-ka Gaalkacyo iyagoo si ihaanaa xaniba, u fatasha, marmarka qaarna u qaata boorsooyinka ay wataan. Waxay kaloo maleeshiyaadka Majeerteen si ihaanaa ula dhaqmaan dadka ajnabigaa(foreigners) oo hawlo samafal ka wada deegaanada Galmudug iyagoo ka qaata Passports,their bags islamarkaasna u diida in ay u tilaabaan dhanka Galmudug. Waxay kaloo maleeshiyaadka majeerteen si fool xun ula dhaqmaan dadka Soomaaliyeed oo si musaafirnimo u isticmaala Airport-ka Gaalkacyo iyagoo mararka qaarkood dadkaas ka furta hantidooda, iskana xirta qaar kalena dila sidii Culimadii reer Pakistaan oo Tabliiqnimo ku joogtay dalka Somalia ay ku laayeen kolkii ay ka dageen Airport-ka Gaalkacyo arrintaasoo fadeexo iyo dhegxumo weyn u keentay ummadda Muslimkaa ee Soomaaliyeed.
Soomaalidu waxay tiraahdaa '' wixii aan la hureyn lagama maagto ama lama qarsado'', haddii kale waxaa ka dhalanaya dhibibaato ballaaran. Sidaas daraateed, dhaqxumada maamul ee maleeshiyaadka Majeerteen ku haystaan kuna maamulaan Airport-ka Gaalkacyo ma ahan mid loo dulqaan karo habayaraatee waana in shacabka Galmudug ka dhiidhiyaan dulmiga iyo dhaqxumida qabyaaladeed oo ay maleeshiyaadka majeerteen ka joogteeyeen Airport-ka Gaalkacyo. Shalayto oo bishu ahayd 21/4/2012 waxay maleeshiyaadka Majeerteen xanibeen oo si fool xun ula dhaqmeen dad ajnabi ah oo ka wada hawlo samafal deegaannada Galmudug iyagoo ka qaatay Passports and their personal bags islamarkaasna u diiday in ay u tilaabaan dhanka Galmudug. Ma waxaas oo kale baa loo dulqaadan karaa alle dartiis !
Ugu dambeyntii, maamul qabiileedka beesha Majeerteen waxay si fool xun hore ugu boobeen kuli Hay'adihii ama xaruumihii qaranka Soomaaliyeed oo ku yaalay magaalada Gaalkacyo sida
Iskuuladii, xaruumihii caafimaadka, xaruumihii ciidamada, dhismayaashii qaranka iwm taasoo ah mid kasoo horjeedda cadaaladda, ammaanka, daris wanaagga iwm. Haddaba maadaama maamulka hadda kajiraa Galmudug uu yahay mid aad u jilicsan oo ummadda reer Galmudug aan si tayo iyo dadnimo leh aan u ilaalin karin xuquuqdooda, waa in bulshada Galmudug la timaadaa talooyin wax ku ool ah oo ay iskaga difaacayaan gardarada, ihaanada iyo jowfalka cadaaladeed ee beesha majeerteen ee sida foosha xun u maamula Airporka-ka Gaalkacyo.
Hadafka maqaalkanu ma ahan in dagaal la curiyo ee waxaa weeye in amuurtaan lagala hadlo waxgardka beesha Majeerteen si xal loogu helo dhibaatada Airport-ka ka taagan, si cadna loogu sheego beesha Majeerteen in aysan kaligood xag u lahayn in ay Airport-ka sidii ay doonaan u maamushaan islamarkaasna ku ihaaneeyaan ummadda reer Galmudug iyo dadka martida u ah, iyo waliba ummadda Soomaaliyeed oo isticmaasha Airportka Gaalkacyo. Sida lawada ogyahay reer Galmudug waxay ku kabaan dhaqaalaha beesha Majeerteen in ka badan 50.millions oo dollars bishiiba waayo Galmudug waxay isticmaashaa dekadaha iyo garoomada ay maamusho beesha Majeerteen halkaasoo ay reer Galmudug ku bixiyaan canshuuro xad dhaaf ah si ay ula soo baxaan badeecadaha sida bagaashka, qalabka dhismaha, baabuurta iyo wixii lamid ah. Iyadoo xaalatu sidaas tahay beysan beesha majeertaan wax amaal iyo shukri u aheynin reer Galmudug waana halka ay sartu ka qursantahay !
Waxgaradow waxaa lasoo gaaray wakhtigii si adag loola xisaabtami lahaa beesha Majeerteen oo runtii dulmi iyo kibir ku socota oo aan marna ogoleyn in si xaq ah oo caddaalad ah wax loo wadaago loona qaybsado.
Waxaa Qoray: Hassan-Abdicad
Gaalkacyo, Galmudug




