Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Xubnaha ugu Jira Dadka Deegaanada SSC ee Maamulka Puntland

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Sharmarke91
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1511
Joined: Wed Jun 17, 2015 8:20 am

Xubnaha ugu Jira Dadka Deegaanada SSC ee Maamulka Puntland

Postby Sharmarke91 » Wed Mar 28, 2018 8:30 pm

Xubnaha ugu Jira Dadka Deegaanada SSC ee Maamulka Puntlandoo ka kooban Siyaasiyiin, Isimo , Xildhibaano , Ganacsato oo ka Soo Baxay Magaalada Garoowe (Warbixin)
=====================================
Dabayaaqadii Todobaadkii hore ayaa waxaa magaalada Garoowe isaga soo baxay Xubnihii kaga jiray Dadka
ka soo jeeday deegaanada SSC Maamulka Puntland
Xubnahana oo isugu jira Isimo , Wasiiro , Xildhibaano Siyaasiyiin iyo ganacsato iwm
Xubnahan ayaa waxay ka cadhaysnaayen dhaqamada Maamulka Gaas ee uu ku hayey 10 sano ee u danbeeyey gaar ahaan
labadii bilood ee u danbeeyey ka dib markii uu kula dhaqamay dadka deegaanadasi Siyaasada
'Qawda maqashii waxna ha u qaban'
Mudo hadda laga Joogo Todobaatan maalmood wax ka badan oo ahayd magaalada Tukaraq meeshii u danbaysay ee ay la wareegaan
Somaliland , isla markaana ay si fudud ugala wareegeen Maamulka Puntaland
Waxaana wixii ka danbeeyey maalmihii la qabsaday uu muujiyey Maamulka Puntland waxoogaa dhaq dhaaq ,
taas oo ay u muuqdeen in ay qaadayaan dagaal ay ku soo celinayaan magaalada Laascaanood oo ah magaalo madaxda Sool .
Xubnahan ayaa ka quustay intii aanay ka soo bixin magaalada Garoowe Madaxwaynaha Puntland C.Wali Gaas, Waxaana ay
soo degeen degaanka Faldhiyaale , waloow maalin ay soo gaadheen magaalada Boocame ee gobolka Sool , halkaa
oo ay ku kulmeen waxgaradka deegaankaasi .

Kulamadii u danbeeyey ee Xubnahan ay kaga quus gooyeen Maamulka Gaas ayaa waxaa ka mid ahaa markii u danbeysay
ay horfadhiisteen Madaxwayne Gaas , si ay uga afqaadaan go'aankiisii u danbeeyey ee soo celinta Laascaanood iyo deegaanadeeda , Madaxwayne
Gaas waxaa uu si cad ugu sheegay in aanay wax dagaal ah ku qaadi karin hadda Somaliland , Waxaana uu ku sababeeyey
in Beesha Caalamka ay u diiday wax dagaal ah in la qaado . Isla markaana xilligani aanu gelin karin khasaare dagaal .
Madaxwayne ku xigeenka Puntland oo isagu ka soo jeeda deegaanada SSC isla markaana
golahaasi fadhiyey ayaa si cad ugu sheegay in isaga uu u ogolaado si
saxiixa dagaalkan uu qalinka ku duugo isla markaana isagu qaado masuuliyada dagaalkaa lagu xoraynayo SSC.

Madaxwayne Gaas tallaabadaasi waxaa uu kaga jawaabay waan ka soo tashanaa , Lakaiin
waxaa ay go'aansadeen Xubnahani in ay isaga baxaan geb ahaanba magaalada Garoowe
Waxaa dhamaantood ay ka soo huleelay magaalada Garoowe , iyaga oo sheegay in ay daaleen oo dadkoodana
aanay ku eegan karin sidaa , Waxaana Xubnahan oo sida la sheegay uu hogaaminayo Axmed Karaash oo ah
Wasiirka Duulistada Hawada iyo Garoomada PL ayaa waxaa ka daba yimid Xubno Isimo iyo Siyaasiyiin u badan
kuwaa oo isku dayaya in ay soo celiyaan , Waxaana ay ka codsadeen
in ay ku cadaadiyaan in madaxwaynaha Maamulka Puntland uu sidan wax ka bedelo oo dadka deegaanadaasi si daacadnimo ah
wax loogu qabto .

Sidoo kale , Waxaa loo kala dab qaadayaa Siyaasiyiintan iyo Xubnahani iyo Madaxda Maamulka Puntland ,
Wararka qaar ayaa sheegay in Dawlada Federalka Soomaaliya ay si dhaba ugu ogolaatay dadka dega deegaanadaasi in loo
sameeyo Maamul , isla markaana loo sameeyo qorshe iyo hanaan ay ku suura gelinayaan sidii ay hawshaa
u meel marin lahaayeen maadaam dhulka Soomaaaliyeed oo dhami ay dawlada Federaalka ay ku bixso dhaqaale Joogto
oo dadka deegaanada Soomaaaliyeed ay ugu dhiibto waxoo kharashaad ah si dadkaa loo gaadhisyo
marka laga reebo dadka deegaanada SSC oo iyagu u dhaxeeya laba dhardhaarood oo aanay
waxbka ka soo gaadhin .
Dhinaca kale Waxaa saacadihii u danbeeyey ay ahayd deegaanka
Fallidhiyaale meel mashquul badan oo ay iusugu yimaadeen haldoorka gobollad SSC ee ku jiray PL iyo Xubno waan waan
ka ah PL .

Madaxwaynaha Mamulka Puntland oo markii la dooraneyey hal ku dheggii uu ku galay doorashada ayaa ahayd Waxaan
dib u soo celin doonaa SSC , iyo Laascaanood Faataxo laguma qabsan .
Ugu danbayn , Arintan ayaa noqon doonta mid wax ka bedesha siyaasada SSC, Iyadoo sanadkii 11 uu gacanta ku hayo maamulka
Somaliland , iyadoo gobolka ay mudadaa ka maqnaayeen Siyaaasyiin badan iyo Isimo waliba Ganacsato kuwaa diidanaa
Maamulka Somaliland .
Deegaanka FALLIDHIYAALE ee duleedka magaalada Garoowe waxaa todobaadkan ka jirtay arin ay soo dhaweyeen
dadka ku dhaqan gobobllada SSC.

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Khaatumo”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 1 guest