Waa mahad alle
Mugdigii ilays lagu meeriyoo
Maantaba ilayn waanu muuqanaa
Hooris kooxda
Waa mahad alle madaxeen banaa
Waa mahad alle madaxeen banaa
Waa mahad alle magac yeelanoo
Maamuus helnee mudana iyo marwaba
Maantaba tihiin
Waa mahad alle madaxeen banaa
Waa mahad alle malabkaa dhulkaa
Miidda ii fadhida waa maalin
dhaw taynu muudsanaa
Waa mahad alle madaxeen banaa
Waa mahad alle rag la miidhayoon
Aan mildhaawihayn maantaba hadday
Mayalka u qabteen
Waa mahad alle madaxeen banaa
Waa mahad alle maalootigii
Meesha daran ka yimi
Maantaba hadday midaamiyeen
Waa mahad alle madaxeen banaa
Waa mahad alle moodka iyo nool
Maatida kuwii ka maroorsan jiray
Maantaba hadday ina mahansadeen
Waa mahad allee madaxeen Banaa