Afhayeenka Ciidamada Deegaanka Marka oo si kulul uga soo horjeestay Shir la sheegay in uu Muqdisho ka dhacay
April 11, 2013 | Filed under: Wararka | Posted by: Webmaster
Afhayeenka Ciidamada Deegaanka ee Marka oo la soo xiriiray Shabakadda markanews ayaa sheegay in dhinacooda aysan waxba ka ogeyn shir la sheegay in Odayaasha beesha Biimaal iyo wakiilo ka socda beesha Galgaduud ku dhex maray Magaalada Muqdisho.
Maxamuud Ookar oo ah afhayeenka ciidamada deegaanka ayaa sheegay in ay jirto in qaar ka mid ah Odayaasha Biimal ay magaalada Muqdisho tageen oo ay la fariisteen qaar ka mid ah dhagarqabayaasha Dhibaateeyay dadkeena laakiin ay arintaas tahay mid iyaga ku gooni ah oo aysan marna aqbali doono dadka Gobolka Shabellada Hoose.
Maxamuud Ookar oo qadka Telefanka na lagu soo xiriiray isagoo jooga deegaanka Shalambood ayaa sheegay in Odayaasha Xamar kula shiray Jaamac Balow oo ah dhagarqaba aysan marna matalin dadka Deegaanka, mowqifkoodana uu yahay in aysan deegaankooda kula heshiineyn Mooriyaanta uu madaxda u yahay Jaamac Baloow.
Maxamuud Ookar oo aan weydiinay waxa ka soo baxay shirkaas la sheegay in Muqdisho ka dhacay ayaa yiri “waxa ka soo baxay shirkaas waa in 4 Oday oo u dhalatay beesha Biimaal ay shir loogu xalaaleynayo Beesha Galgaduud deegaankeena ay kula yeesheen Xamar, waana Odayaal la gatay oo aan dadkeena iyo deegaankeena matalin.
Maxamuud Ookar ayaa ku goodiyay in warbaahinta ay u soo bandhigi doonaan magacyada Odayaashaas xilliga ay ku haboonaato.
Maxamuud Ookar ayaa sheegay in Odayaasha shirkaas ka qeybgalay ay yaqaanaan, ayna yihiin kuwo aan matalin Beesha Biimaal.
Hadalka afhayeenka ayaa imaanaya iyadoo maalintii Shalay ahayd uu shir wadaxaajood ah uu ku dhex maray Muqdisho Odayaal ka socda Beesha Biimaal iyo wakiilo ka socda beesha Galgaduud.
Source