22-kii sano ee la soo dhaafay Waxaa awooda ahaan ku xooganaa oo ku amar taageleynayey Gobolka Shabellada Hoose Mooriyaan arxan daran oo ku heyb qabiil ah Dhagarqabe Indhacade.
Mooriyaantaas, waxa ay kula kacayeen dadka Gobolkaas dhibaatooyin badan, waxa ka mid ahaa; in ay Biyaha Wabiga dadka ka gataan, in ay beeraha ku fashaan dadka gobolka lacag laáan, qofkii diidana ay geedaha ka soo laalaadiyaan ilaa uu ka dhinto. Waxaa kale oo dhibaatooyinka ay dadka Gobolka ku hayeen ka mid ahaa in Xilligii ay furneyd Dekadda Marka, qofka xamaaliga ah ee ka xamaasha Dekadda uu kala bar lacagta uu soo shaqeysto maalintii uu siiyo Mooriyaan u dhashay beeshaas oo jaad ku cunaya mid ka mid ah Buushyada magaalada Marka, Hadii kale uusan ka shaqeysan karin Dekadda.
Haddaba, tan iyo markii loo magacaabay Cabdikariim Guuleed wasiirka arimaha gudaha waxa durba bilaabatay in Beeshiisa ay dar dar hor leh la soo baxdo, oo ay isku daydo in ay meesha ka saarto Beesha Indhacade oo ay la wareegto ku amar taagleynta Gobolkaas.
Jaamac Balow oo markii hore ahaa ardayda Indhacade ayaa markii wasiirka arimaha gudaha oo ay isku jufo hoose yihiin la magacaabay isu bedelay shakhsiga ugu awooda badan Gobolka. Mooriyaantii ka soo jeeday Beesha Indhacade ayaa mar qura waxa ay arkeen iyagoo ku jira Gacanta Jaamac Balow iyo gacan yarihiisa Cabisalaan, taas oo walaac ku abuurtay Mooriyaantii beesha Indhacade ee ku naaxday Xoolaha dadka nabada jecel ee Gobolka.
Iyadoo loolan xoog leh uu ka dhex jiro labada Jufo ayaa waxa dhacay dagaalkii bishii hore ku dhex maray deegaano ka tirsan Gobolka Ciidan ka soo jeeda Beesha Biimaal iyo Maleeshiyada Beesha ay ka soo jeeda wasiirka arimaha gudaha iyo Indhacade, taas oo qeyb ahaan hakisan loolankaas siyaasadeed iyo dhaqaale ee ka dhexeeyay labada dhinac.
Loolankaas qarsoonaa ayaa isu bedelay khilaaf toos ah kadib markii maalmo ka hor uu shir ay soo qaban qaabisay wasaarada arimaha gudaha ay magaalada Muqdisho ku yeesheen Odayaal sheeganaya in ay ka soo jeedaan Beesha Biimaal iyo Dhinaca Jaamac Balow.
Shirkaas ayaa Jufada Indhacade ay u aragtay in wasiirka arimaha gudaha uu doonayo in Beeshiisa uu u gacan geliyo ku amar taageleynta Gobolka oo ay ka sii baxayso gacantooda.
Warar aad loogu kalsoon yahay oo aan ka helnay magaalada Muqdisho kaas oo aan ka soo xiganay mid ka mid ah Siyaasiyiinta gacan saarka la leh Jufada Indhacade ayaa sheegay in shir ka dhacay magaalada Muqdisho oo ay yeesheen maalintii shalay ahayd rag ka soo kala jeeday labada jufo ee ay ka dhasheen Wasiirka arimaha gudaha iyo Indhacade ay Jufada Indhacade eedeyn kulul u soo jeedisay dhinaca kale, oo ay ku eedeysay in ay dooneyso in awoodooda gobolka ay wiiqaan.
Siyaasigaas ayaa intaas ku daray in qaar ka mid ah ragii ka socday labda dhinac ay hadalo kul kulul is dhaafsadeen oo ay ku sigteen in ay isu gacan qaadaan, Qolo walbana ay ku andaconeysay in ay iyada xaq u leedahay ku amar taaglenta Gobolka.
Beesha Indhacade ayaa kadib iyadana bilowday dhaq dhaqaaq ay ku abaabuleyso shirar ay ku dooneyso in ay ku muujiso awoodeeda Gobolka, waxay magaalada Muqdisho ka wadaa qaban qaabo shirar ay ku soo jiidaneyso qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo Odaydhaqameedka Gobolka.
Waxaa la yaab leh in dadka Gobolka Shabellada Hoose ay hurdaan, iyadoo Kaaba mooriyaantii ku amar taagleyneysay 22 sano ay isku heystaan cidii sii dhiig miiran lahayd, ee hilbahooda banaanka wari lahayd.
Source