August 23, 2007 By: Oogonline.com(Oog ) 20Mile oo keliya marka aad dhanka bari uga socoto Magaalada Caynaba waxa aad gaadhaysaa Degmada Oog oo ah magaalada ugu dad ka badan Deegaanka cayn ahna Degmada labaadee ugu weyn deegaanada Cayn, waxana aad markiiba arkaysaa Horumarka la taaban karo ee ay Degmadaasi ka gaadhay dhinacyada amaanka iyo arimaha bulshada Magaalada Oog oo xiligan ku jirta barwaaqadii Gu’ga ee sanadkan ayaa waxaa ay tahay magaalo rasmi ahaan ay u joogaan dadweyne tiro badan oo qaybaha bulshada ka mid ah, waxaana ay tahay magaalo soo koraysa oo dhismayaasha iyo dhaqaaluhubu ay Kordhayaan.
Dugsiga magaalada Oog oo hadda dhismahiisu qabyo yahay hase yeeshee wax yari u dhiman yihiin ayaa waxa uu yahay midka ka markhaati kacaya in magaalada Oog ay tahay magaalo samaysay Horumar Bulsho oo ku dayasho Mudan.
Dugsiga dhexe ee magaaladaasi ayaa isagu ah mid balaadhan oo qaybihiisu ka tiro badan yihiin dugsiyada kale ee gobolka, waxaana aanu la kulanay ardada qaarkeed oo ku jirta xiligii Break Time-ka.
Dhinaca caafimaadka ayaa waxa ka shaqeeya halkaasi xarumo caafimaad oo gaar loo leeyahay, inkastoo aanu hawlgal samaynin xaruntii caafimaadka ee Degmadu, waxaana caafimaadka dadweynaha deegaankaasi uu u muuqday mid lagu qanacsan yahay.
Saldhiga dhexe ee Booliska ayaa isna ahaa mid si rasmi ah u shaqaynayey inkastoo aanaan la kulmin wax maxaabiis ah oo si ku meel gaadha ah ugu jira saldhigaasi iyo dacwado la qaadayo toona.
Suuqa weyn ee wax kala iibsiga oo ah suuqa weyn ee Degmada oog ayaa waxa uu yahay Suuq qaddiim ah oo ay ganacsato Reer Somaliland ahi dhisteen badhtamihii 1980s 20aad ayaa ahaa suuq wadhato ah oo si rasmi ah u shaqaynayey xiligan waxaana magaaladaasi ka furan qaybaha kala duwan ee xawaaladaha lacagta iyo shirkadaha isgaadhsiinta. sida dahabshiil iyo Qaran Geel ka cabaye degaanka Oog.
Duleedka magaalada Oogoo Rooban ayaad ku arkaysaa Xoolaha oo Daaqaya geedo Cusub, halka sidoo kalena aad dareemayso Udgoonka dhirta oo si xoogan uga soo baxaya kaynaha ku wareegsan degmadaasi.




