Tababaro Gaar Ah oo loo furay maleeshiyo Ka soo Jeeda Beesha Bariga Burco..Nuux Taani oo amar lagu siiyay inuu tababaro Ciidamo Beeleed
By ali on Jan 01, 2011 with Comments 0
Share
Maamulka Somaliland oo ku amray Nuux Taani in Beesha Bariga Burco ciidan gaadhaya 300 boqol loo tababaro, kasoo ka madaxbanan ciidanka maamulka la baxay somali-land.
Saraakiisha maamulka la baxay somaliland iyo Badhasaabka Gobolka Saaxil ayaa Hanjabaado iyo hadalo Af-lagaado iyo Cay isugu jira kula dul kufay Wargeysa Waaheen oo warkan soo gaadhsiiyay shacabka ku nool SSC.
Wargaysa waheen oo ka tirsan jaraadiyada ka soo baxa Maamulka Somali-land ayaa daabacay War ku saabsan in Ciidan Beeleed aan la garanayn cida ka danbaysa lagu tababarayo Degmadda Sheekh ee Gobolka Saaxil.
Warkan ayaa ku salaysnaa xaqiiq iyo xogo laga helay dad ka soo jeeda Deegaanka Ciidanka laga soo qoray.Gacan ku dhiigle Nuux Taani ayaa isla maalintii uu Wargeysku soo daabacay Warkaas Telefoonka u soo mariyay Maamulka Wargeyska Hanjabaad iyo Cagajuglayn uu ku sheegay inuu talaabo ka qaadi doono “ waad naga hadhi weyday oo inaad Arrimaha Ciidanka Faraha kala baxdo waad diidaye, waxaad ka heshaabaad leedahay” ayuu yidhi.
Hadana isla maalin kadib waxa isaga oo Sheekh jooga Telefoonka Xildhibaan Maxamed Nuur Caraale Duur ka soo hadlay Badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamud Cali Hayste Ramaax waxaanu yidhi “ Wasakh baad tahaye maxaa Arrimaha gobolkayga ku daba dhigay ee aad maalin walba wax uga sheegaysaa, waxa kugu dhaca waad arki doontaa”
Intaas uun kumay joogin masuuliyiintaas kala duwan ee Warkaas ka gubtaye waxa hadana intaa sii dheeraa Taliyaha Dugsiga Ciidamadda lagu tababarayo oo isagu yidhi “Waxan hadaba u balanqaadaynaa wargayska waxaa qoray inaanan halkaa kaga hadhi doonin balse uu yahay mid aan dalka iyo dadka toona dan ka lahayn waana kuwa aanu hada u tobabarayno inay ciidanku gacanta kusoo dhigaan Hargaysa ha joogo ama Berbera ha joogo ama xamar ha joogee waxaanu ku balanqaadaynaa inaanu halkiisa ugu tango islamarkaana aanu soo laa-laadino, waxanan filayaa inaanu aqoon u lahayn dusigan balse ay aqoon daro uun ka yeedhsiisay waxaas uu ku hadlayo.”
waxaanu intaa yidhi ” Ciidanka meleterigu waxay astaan u yihiin jiritaanka dawladnimo waxana wax laga yaabo ah ficilada noocaasa iyo cida qoraysaba oo u saan-saan eeg cadowga dalka hooyo iyo duminta qaranimada somaliland”.
Marka arrimahan laga yimaado Taliyaha Ciidanka Qaranka Nuux Taani markii uu shirka Jaraa’id Burco ku qabtay waxa uu si cadaan ah u qiray in ay Ciidamadda iyagu qoreen oo ay ka qoreen Gobolkaasi marka ay Ciidan qoranayaana Gobol walba ay u badan yihiin Beelaha Degan balse marka ay tababarka dhamaystaan la isku dhafo ciidamadda laga soo kala qoro Goboladda, taasina waxay marag ma doon u tahay warka Wargeysku qoray oo sheegay inay Ciidamadaasi yihiin kuwo laga soo xulay Beelaha wada dega Gobolka Togdheer balse ay qaar ka mid ah Beelaha halkaa degani u badan yihiin, isla markaana sababta keentay qorista Warkaasi ay ahayd Cabshada ay Beelaha Gobolkaasi degaa qaarkood ay ka soo cawdeen.
Si kastaba ha ahaatee hadii uu warka Wargeysku yahay mid Been ah maxay Saraakiisha Ciidamadda iyo Badhasaabka Gobolka Saaxil u mari waayeen wadada sharciga ah ee u dajisan Maamulka halka ay Hanjabaada iyo Af-lagaadada ugula kacayaan Wargeyska, mise waxay ka door bidayaan Awooda iyo Xilka ay Qaranka u hayaan inay ku cabudhiyaan Saxaafadda Xorta ah ee garab iyo Gashaanka u ah Dalka iyo Dawladaba
Afartii Oday ee buuhoodle nala joogey iyo kuwii ku taageerayeyba hanala arkeen waxan dhulka inaga qixinayaa inuusan nidaam ahayn ee uu yahay qabiilkii ku midoobay (SNM) oo shaadh maamul lagu sheegey oo jaahiliinta lagu khaldo u soo gashadey.
Hadaba si aanu cadeyn ahaan ugu keeno waxaana soo koobiyeyney qoraalkii uu wargeykooda Waaheen ka qorey taariikhdu markey ahayd 29/12/10 kaas oo hadana wargayskii loogu hanjabey laguna heysto warbixinta oo dhana waxaad ka akhrin kartaan halkan. http://waaheen.com/.
Faarax Siyaad Kabawayne (Wariye Madaxbanan Hargaysa)









