Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

HEY GUYS, PLEASE THINK ABOUT THIS

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Cali_Gaab
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 14013
Joined: Wed Oct 17, 2007 8:50 pm
Location: Sleeping next to my life's cottage

HEY GUYS, PLEASE THINK ABOUT THIS

Postby Cali_Gaab » Thu Jan 13, 2011 12:25 am

What do you think is the problem?

"ballanqaadkii Axmed Siilaanyo ee beesha bariga Togdheer iyo baraagaha Kalshaale oo ka mid noqday waxqabadkii 100 ka casho ee maamulka Somaliland"

Waxaa baryahan xamaasadi ka aloosnayd dhul daaqmeed kuyaala dhinaca waqooyi ee magaalada Buuhoodle, xarunta Gobolka Cayn. Halkaas oo laga qoday Baraago loogu tala galay inay noqdaan unugtii magaalo laga assaaso godanka biyo-galeenka ah ee Kalshaale, kana mid ah dhul xooleedka beesha Gobolkan degta. Berkadahan oo ah -ku-eeg- in laga ogolaado, marka danbena waa Ratigii madaxa lasoo galay Taambuuga, markii danbana harraatida kaga saaray dadkii ku jirey.

Qorshahan oo ah dhulbalaadhsi, soo jireen ah, oo ay wadeen Beesha degta Bariga iyo Bari-Koonfureed ee Gobolka Togdheer, waxaa haatan kusoo kordhay ‘Gardaro Garab Og’, iyadoo beeshaasi ay dhiiri-gelin ka helayaan xafiiska Siilaanyo iyo xafiiska Gudoomiyaha G olaha Guurtida ee Somaliland Saleebaan Gaal. Labadan nin oo isku beel kasoo jeeda, waa madaxda ugu saraysa ee maamulka Nabad-diidka ee waqooyiga Somalia. Dhul fidsigan cusub ee soo laba kacleeyey, waxuu u egyahay ballan qaad la galay markii loo tartamayey Madaxnimada Maamulkaas, waayo garashada ayaa inoo diidaysa in xilli aanu yagleeshii xukunkiisa dhamaystirin, nin masuul ihi uu bilaabo colaad laga yaabo inay noqoto mid la xakamayn kari waayo.

Iyadoo la tixgelinayo deris wanaaga iyo nabad ku wada noolaanshaha labada beelood, ayaa waayeelka Buuhoodle wadahadal la yeesheen duqayda dhigooda ah, laguna kulmay magaalada Qori-lugud, waxaana laga ogolaaday beeshii qodaalka bilowday, iyadoo niyad sami la tusayo, in dib loo dhigto xallinta baraagahan muddo bil ah. Waxaase nasiib daro ah, in aan halkii lagu joojin qodaalkii balse la sii waday, taasina waxay abuuri kartaa in arintu faraha ka baxdo, iyadoo aanay cidna dan u ahayn geerida iyo dhibaatada halkaa ka dhici karta. Boqor Buur-madaw oo helay cid wax ka maqasha, lana agaasinta uur-tabashadii ahayd colaad iyo weerar joogto ah, laguna soo qaado beelaha la deriska ah, waxaa u hirgashay aragtidiisii aan dhaaf-siis-nayn waxa u muuqda, ama markaas horyaala.

Waxaan Siilaanyo iyo intii la talo xumaysatay u sheegi lahaa in la gaadhey meel aan dib looga noqon karin, wixii intaa ka danbeeya dul-qulaaliska la huriyey dabkiisu uu meel kasta gaadhi karo. Ummadda Waqooyi galbeed waxay dadka kala mid tahay baahida nabadda, mana suurta gasho inay cidina ku noolaato go’doon. Waxaa markaa Siilaanyo horyaala inuu kala doorta hab-maamulkii labdii nin ee uga horeeyey kurisga uu hadda ku fadhiyo. Sida la saadaalinayo, waxaa hiyiga ugu jira inuu keeno ciidan nabad ilaalin ah (waa qaab lagu yiqiin Qaramada midoobey ama UN), kuwaasoo uu doonayo ama damac kaga jiro inuu Saldhig Boolis ka sameeyo duleedka magaalada Buuhoodle. Dardar-gelinta cusub waa dareen labada beelood ba taaban kara, waxaynu eegnaa markaa waa sida loo dhaqaaqo, iyo culayska ay yeelan karto talo xumaanta iyo ballanqaadkii doorashada ee Siilaanyo, baraagaha Kalshaale waxay ka mid noqdeen wax qabadkii 100 ka casho ee xukuumada Axmed Siilaanyo oo ay gardaadinayaan Buurmadow iyo Saleebaan gaal.

User avatar
Cali_Gaab
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 14013
Joined: Wed Oct 17, 2007 8:50 pm
Location: Sleeping next to my life's cottage

Re: HEY GUYS, PLEASE THINK ABOUT THIS

Postby Cali_Gaab » Thu Jan 13, 2011 12:25 am

"Buuhoodle Oo Haysa Wadaddii Laascaanood Maalmaha Soo Socdana Gacanta U Galaysa Malayshiyada Hargeysa"

Buuhoodle(Jidbaale):- Waxaa maalmahan aad loo hadal hayey xaaladda Cakiran ee ka taagan Buuhoodle , taas oo saansaankeedu u muuqdo xaaladdii ay maraysay Laascaanood markii laqabsaday, iyada oo loolan baaxadweyni ka dhexmuuqday qaar ka tirsan siyaasiyiintii xilligaa ka soo jeeday Laascaanood oo qaarkood u kala adeegayeen labada Maamul ee Hargeysa iyo Garoowe, isla markaana ay adeegsanyeen Canaasiir ay ka marayeen dhinaca Qabyaaladda.

Xaaladda Laascaanood:- Jaamac Siyaad , Bahararsame . Ugaadhyahan.

Xaaladda Laascaanood waxay maraysay maalmihii ka horeeyey 15.10.2007 mid cakiran oo markii qabyaalad hoose iyo farsamooyin aad u tirabadan la shaaciyey taas oo lagu kala dilayey beelaha aynu kor ku soo xusnay , dhaqaale iyo balanqaadyana ay beelaha Hargeysa u fidiyeen qaar ka mid ah kuwii Laacsaanood Duulanka ku soo ahaa ee ka soo jeeday ***********, waxa uu ahaa wixii ugu danbeeyey ee saacadihii ugu danbeeyey soconayey.

Magaalada waa laqabsanayaaye Jaamac Siyaadow , yaanay Bahararsame idiinka Horumarin, Bahararsane waxa uu ahaa yoolku magaalada waa la qabsanayaaye yaanay Jaamac Siyaad Idiinka horumarin waana arrimihii iyo waxyaalihii ay saraakiisha malayshiyada Hargeysa ka dhex fidinayeen kuwii maan gaabka ahaa ee markaa la socday iyaga , iyaguna shacabka *********** ku dhex fidinayeen, taas oo markii danbe keentay in Laascaanood la qabsado , markii lagu guulaystay in *********** dhexdiisa aad loo kala qaybiyo iyada oo labada dhinac ee Hargeysa iyo Garoowe xataa iska kaashanayaan sidii loosii kala dhantaali lahaa midnimada beesha *********** qolada Puntland u tidhaahdo maxaanu samaynaa idinkii ayaa dhabarka naga tooganyee yaanuse la dagaalanaa kuwa naga soo horjeedaa waa Dhulbahantee.

Taasina ay markii Danbe keentay Xataa in Ugaadhyahan iyagana lagu dhiiri galiyo in ay Ciidan samaystaan si ay isaga ilaaliyaan ciidanka Jaamac Siyaad iyo Baharsame, oo waxaa maanta Laascaanood ka jiraa ay tahay malayshiyooyin ay kala haystaan Mahad canbaashe oo Jaamac Siyaad ah, Ina Ducaale Dheeg oo UGaadhyahan ah, iyo Cali Diiriye oo Bahararsame , xataa malayshiyaadkaasi ay marba dhinac u hayaamaan marmarka qaarkoodna aad arkaysidba iyaga oo la leeyahay malayshiyaa ka soo baxsatay laascaanood oo soo gashay Garoowe , kuwaa ka tagay Garoowe oo Galay Laascaanood, maanta ay marayso in dawlada Hoose ee Laascaanood iyada oo madax laysu galinayo *********** in laysku hayso waxyaalaha liidnimadu ka muuqato ee ay maanta magacaabaan malayshiyada SNM sida Xoghayaha degmada Laascaanood, iyo duqa degmada oo odayaal intay shirqabtaan lakala safanayaan xubno mid waliba kan kale ka daran yahay u adeegida malayshiyada SNM , sida ina Jeeni yare iyo Ina Awdaahir Xaaji Xasan iyo kuwo kale oo badan.

Buuhoodle Reer Hagar Iyo Cali Gari.

Wadadii ay qaaday Laascaanood afar sanno ka hor waxaa maanta haysa Magaalada Buuhoodle oo la odhan karo maalmaha Soo socda waxay ku jirtaa Gacanta Malayshiyada SNM, oo wararka ka imanayaa sheegayaan in goobo badan ay ku soo durkeen malayshiyo beeleedyo ka soo jeeda Burco kuwaasoo garab ka helaya malayshiyada SNM ee ay isku haybta yihiin, xaaladda magaalada Buuhoodlena ay aad u qasan tahay.

Arrinta layaabka leh ee maanta ka taagan magaalada Buuhoodle ayaa waxa ay tahay in qorshihii Laascaanood lagu kala qaybiyey shacabkeeda maanta Buuhoodle isla barnaamijii laga fulinayo , waxaase arrinta layaab kale tahay in maanta qorshaha Buuhoodle lagu doonayo in lagu qabsado loo soo maray kii ugu jaahilsanaa isla markaana layska soo horumariyey mid u dhashay deegaanka ***********.

Waxaana qorshahan haatan lagu qabsanayo magaalada Buuhoodle Fulinaya Mahad Canbaashe oo kulan la yeeshay xubno ka mid ah ku maangaabka ah ee lagu adeegto oo ka soo jeeda Beesha Reer Hagar una sheegay in magaalada la qabsanayo ciidan Cali Gari u badana lagu qabsanayo , ee inta aanu Cali Gari magaalada qabsan Ciidan samaysta aad magaalada dhinaciina uga qabsataan, markay kuwaasi ka tageena u yeedhay, kuwo Maan Gaab ah oo iyaguna Cali Gari ah una sheegay in Reer Hagar Siilaanyo la xidhiidheen magaaladana ay qabsanayaan sidaasi daraadeedna aysan haboonayn in laydinka hor qabsado.

Waxa kale oo ay wararka Buuhoodle ka imaanayaa sheegayaan in kuwo dhaqaale loo balan qaaday oo uu ka mid yahay Ina Bashiir Baydan iyo Dayib qaadka magaalada ina afdiinle uga wakiilka ahi ay dagaal ula tageen rag *********** ah oo aan ka soo jeedin Cali Gari Iyo reer Hagar isla markaana ay u sheegeen in ay deegaanka iska baxaan oo ay arsaaqdii iska hortaageen.

Xaaladda maanta ka taagan Buuhoodle waa sawirka sidaas ah waxayna maraysaa sidii ay u ekayd xaaladda magaalada Laascaanood, oo maanta aan wax rajo ah laga qabin in laga saaro malayshiyada SNM, madaxna ay iskula jiraan Jaamac Siyaad, Bahararsame, Iyo Ugaadhyahan ayna isku haystaan Xoghayaha Laascaanood yaa leh.

Inkasta oo shacabka badankiisu dadaalayaan hadana marka dhaqaale laga soo qarqinayo Hargeysa iyo Rag magac iyo deegaan lawadaaga ay dhabar jabin ku hayaan, ayna u dheertahay odayaal markay doonaan u gacan haadiya Cadowga waxaa la odhan karaa iska caabinta shacabku ma sii jiri karto, Laascaanoodba shacabka badankiisu waa ka soo horjeedeen , Laakiin kuwii deegaanka u dhashay ee cadowga soo horgalay iyo cududii cadawga oo iswata ayaa muquuniyey , maantana waa saansaanka ka muuqda Buuhoodle oo ay sal dhig u tahay in Cali gari Iyo Reer Hagar Laysku Xuuxiyo, mase noqon doonaa shacabka Buuhoodle mid arrintaas Dhugmo u leh.


Jidbaale.com

User avatar
Cali_Gaab
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 14013
Joined: Wed Oct 17, 2007 8:50 pm
Location: Sleeping next to my life's cottage

Re: HEY GUYS, PLEASE THINK ABOUT THIS

Postby Cali_Gaab » Thu Jan 13, 2011 12:26 am

Maqaal:- Axmed Siilaanyo, Madaxweynaha maamulka Somaliland ee ka dhisan magaalada Hargeysa, wuxuu ku socdaa oo hirgelinayaa ama fulinayaa..

siyaasaddii awoowgiis Carab Dheere.

Qofkaan aqoon ayaa loo sheegayaa, Carab Dheere wuxuu ahaa gaashaanle (mijir) ka tirsan ciidamadii Ingiriiska ee sanadkii 1921 jebiyey ciidamadii dawladdii Daraawiishta ee magaalda Taleex xarunta u ahayd.

Kadib markii dawladdii Daraawiishtu bur-burtay ayaa Carab Dheere badhasaab (governor) looga dhigay magaalada Burco. Waxaa la sheegay inuu Carab Dheere ahaa nin dilaa ah oo naxariis daran oo aan Alle ka baqin cidna u tudhin. Wuxuu ku kacay falal aad u xun oo waxshinimo ah uu u gaystay dad Dhulbahante ah. Waxaa la sheegay inuu rag geed kasoo del-delay dabadeedna cagaha ka karbaashay.

Cadaalad darrada iyo dulmiga uu ku kacay waxaa ka mid ahaa isagoo ku yidhi beesha Habarjeclo iyo Habar Yoonista bari “haddii hal aad leedihiin dhereg u dhimato, waxaad dhahdaan Dhulbahantaa dilay kadibna anaa idiin xukumaya. Waxaa dhacday in markii ay u adkaysan kariweyday cadaadiskii iyo bahdalaadii Carab Dheere ku hayay, ay beeshii Dhulbahante barakacday oo dhulkeedii ka guurtay kadibna waxaa dhulkii dadkii lahaa laga raray ku habsaday Habaarjeclo iyo Habar Yoonis bari.

Muddo boqol sano ah (qarni) beesha habarjeclo iyo HaabarYoonista bari waxay si aan kalago’ lahayn u wadeen dhul-durugsi, is-ballaadhin, dhul ku habsi, xoog ku boob dhul ay leedahay beesha Dhulbahante. Axmed Silaanyo wuxuu hadda u dhaqmaa sidii awoowgiis Carab Dheere. Wuxuu si cad u muujiyey inuu si gaar ah ugu hiilinayo beesha uu ka dhashay. Wuxuuna isticmaalayaa tab iyo taag si uu Dhulbahante oo xoog ku muquuniyo oo ku khasbo inay qoorta dhigtaan oo madaxa hoos u rogaan(reer barigu waxay dhahaan aa la tahay).

Waxaan soo bandhigayaa liisto aan dhammays tirnayn oo mujinaysa dhulkii Habarjeclo iyo Habar Yoonista bari ay beesha Dhulbahante ka qabsadeen boqolkii sano ee la soo dhaafay. Deegaanada laamiga xagga bariga ka xiga waa kuwan:

Gawsaweyne, gar-adag, siigodheer, fadhigaab, ceel-afweyn, dararaweyne, dogoble, bohol, docosha, sincaaro, qoridheere iyo godheeli.

Laamiga iyo wixii galbeed ka xiga:

Kiridh, wadaamogo, caynabo, ceeldhaab, oog, guumays, qorilugud, ballidhiig, coodanle, ballicalanle, harawaati, balliwayn, badwayn, kalshaale, maygaagle, hagoogane. Intaas waxaad ku dartaa dhulka ay xukumaan laakiinse ayan weli lawada wareegin. Waxaa ka mid ah: Yagoori, adhicaddeeye, Laascaanood, kalabaydh iyo widh-widh. Intaa waxaa dheer beesha habarjeclo gaar ahaan Solowmadow oo la soo
baxday tab cusub oo ah ku qabso, qadimayside sida hadda ka dhacday Kalshaale.

Doolaalada iyo duulaanka beesha Habarjeclo dhammaad ma leh. Haddaba shacabka SSC
waa inuu dhulka inta ka hadhay ku faro adaygaa oo difaacaa.

User avatar
Cali_Gaab
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 14013
Joined: Wed Oct 17, 2007 8:50 pm
Location: Sleeping next to my life's cottage

Re: HEY GUYS, PLEASE THINK ABOUT THIS

Postby Cali_Gaab » Thu Jan 13, 2011 12:28 am

What's the common denominator?

PrinceOfDarwiishLand
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 419
Joined: Fri Dec 31, 2010 8:22 pm

Re: HEY GUYS, PLEASE THINK ABOUT THIS

Postby PrinceOfDarwiishLand » Thu Jan 13, 2011 2:26 am

Siilaanyo marku hooyadiis soo waasow, buu Kalshaale siingara Habr Jeclo. :lol:

User avatar
Cali_Gaab
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 14013
Joined: Wed Oct 17, 2007 8:50 pm
Location: Sleeping next to my life's cottage

Re: HEY GUYS, PLEASE THINK ABOUT THIS

Postby Cali_Gaab » Thu Jan 13, 2011 2:40 am

Siilaanyo marku hooyadiis soo waasow, buu Kalshaale siingara Habr Jeclo. :lol:
I don't speak Swahili princess.

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Re: HEY GUYS, PLEASE THINK ABOUT THIS

Postby FBISOMALIA » Thu Jan 13, 2011 9:32 am

Siilaanyo marku hooyadiis soo waasow, buu Kalshaale siingara Habr Jeclo. :lol:
:lol: :lol: :lol:


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Sool”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 5 guests