Postby Babygirl- » Thu Jan 13, 2011 8:32 pm
Maleeshiyaadka SNM ee ku Sugan Magaalada Laascaanood Oo Cabsi weyni Soo Food saartay ka Dib culays kaga yimid Ciidamada SSC.
Wararka ka imaanaya magaalada Laascaanood caawa oo habeenimo goor danbe ah ayaa sheegaya in maleeshiyaadka SNM, ee ku sugan hareeraha iyo gudaha magaalada Laascaanood ay soo wajahday cabsi weyni ka dib markii ciidamo uu wato Xoghaya Birmadka ahna ku simaha Madaxa gaashaandhiga Ee SSC uu soo gaadhay daafaha maagaalada Laascaanood.
Ciidamada SSC qaybtooda Ismaaciil Mirre oo ah guuto Halaag fara badan baday maleeshiyaadka soo duulay ayaa la sheegay inay soo gaadheen Buuraha magaalada Laascanood halkaasoo lagu wado inay hawlgalo cul culus ka fuliyaan saacadaha soo socda.
Qayb ka mid ah ciidamada Lugta ee SSC ayaa la wareegay magaalada Widhwidh oo ay shalay ka Hulleeleen maleeshiyaadkii SNM, ka dib markii ay hayn waayeen culayska SSC ee dhinacyada badan iyo weliba quluubtooda is khilaaftay.
Fadhiisimada hareeraha ee ay ku sugnaayeen maleeshiyaadku, ayaa la sheegay inay caawa ka yaaceen, ayagoo gudaha u galay saldhigya Booliska ee gudaha magaalada. Dhanka koonfurta goobta lagu magacaabo Waqderi ayey baneeyeen, ayagoo u guuray dhanka Nugaasha meesha lagu magacaabo Dhuxun, halka kuwii ku sugnaa dhanka maaragana ay isku bar bariyeen dhanka Dhunya xoosho.
Maleshiyaadkii dhanka Widhwidh ka soo cararay ayaa la sheegay in qaarkood ay gaadheen Burco, beer ina afmadoobe iyo deeganada gudaha ee maamulka Hargaysa, halka kuwa Calooshood u shaqaystayaasha ah ee deegaanka ka soo jeedaan ay Biciidsadeen wadada dheer ee laamiga ah, sida Adhicadeeye, Tuulo samakaab iyo Canjiid.
Waxaana la sheegay in xaalka Calooshood u shaqaystayaasha uu yahay mid jahawareer ah ayagoo garan la waxaan is hor iyo daba maraya, iyo ciidamada SSC oo ayaguna soo kubaareeyey dhamaan deeganada SSC oo idil.
Mar aan xidhiidh la sameynay Kayse Abdi Yuusuf wuxuu noo xaqiijiyey inuu sugan yahay buuraha ku xeeran Laascaanood, lagana yaabo inuu gudaha u galow walow uu diidey faah faahin inuu baxsho arimo la xidhiidha xaga Militeryga.
Isku soo wada duubo xaalada SSC ayaa u eg mid kala guur ah ayadoo jaanis weyn ay haystaan ciidamada SSC hadii ay helaan taageerada shacabka debed iyo gudana ay hubaal tahay inay daba iska raacin doonaan maleeshiyaadka SNM oo tacadiyo badan ka gaystay deeganada Dhulbahante intii ay haysteen