http://www.boocame.com/?p=10964
Culimada Gobolka Cayn oo ku dhawaaqay inuu Dagaalka kalshaale yahay Jidhaad(ka dhagayso Warbaahinta Radiowidhwidh)
Kadib Kulan Balaadhan oo Maanta Magaalada Buuhoodle isagu yimaadeen Culumada Diinta ee Buuhoodle ayaa si Kulul loogu Canbaareeyey Dagaalada ka soconaya Deegaanada Kalshaale Maygaagle Waxayna Culumada Dagaalkaasi ku eedeeyeen inuu Masuul ka yahay Hogaamiyaha Maamulka Hargaysa Axmed Siilaanyo.
Culumada ayaana dagaalkaasi ku sifeeyey inuu yahay Dagaal Jihaad ah oo lagu soo duulay Dhulkaasi loona baahan yahay in dagaalka layska difaaco, Culumada ayaana sidoo kale ka Baaq u diray Culumada Waqooyiga Somalia iyagoona ugu baaqay Culumadaasi inay Maamulkaasi Hargaysa ay uga digaan Weerarka uu Deegaankaasi ka Wado.
Shiikh Saleebaan Maxamed Jamac ayaana Qoraalkaasi Saxafiyiinta ugu akhriyey Magaalada Buuhoodle Waxa uu shiikhu ku dheeraaday weerarka lagu soo Qaaday Deegaanka Buuhoodle ee gardarada ah ee Maamulka Siilaanyo uu Wato.
Xafiiska Wararka ee Radiowidhwidh, Buuhoodle
Cali dhagjar
Ka dhagayso Radiowidhwidh,
1) Sh maxamuud yuusuf dhuux
2) Sh Saleebaan Maxamuud Jaamac




