Waraaq SNM Qortay 1994 iyo Qorshaha Dhulbahante iyo Warsanga

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

siren
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7879
Joined: Fri Nov 28, 2003 7:00 pm
Location: PREPARE- D-DAY IS COMING!

Waraaq SNM Qortay 1994 iyo Qorshaha Dhulbahante iyo Warsanga

Post by siren »

Warbaahinta ayaa heshay qoraal sir ah oo ku salaysan qodobada gundhiga u ah Jamhuuriyada Lamagac Baxday Somaliland, waraaqdan oo laqoray14.March.1994, ayaa ah siyaasadii lagu aasaasay jamhuuriyada Somaliland,waxaa gudoominayey shirkan C/raxmaan Axmed Cali oo ah gudoomiyihii u horeeyey ee Jabhadaasi.

Qoraalka Qeybtiisa Hore oo ku turjuman Afka Soomaaliga.



Shirka Guddiga amaanka ee Jabhada Somali National Movement (S.N.M)

Si’aan usoo bandhigno fidinta halkagii hubaysnaa ee dheeraa,iyo khidadihii kaasi oo aynu ku guulaysaney xoraynta gobolada waqooyiga Soomaaliya, oo aan gacanta ku dhigney guusheenii u danbeysey.waxaa lagama maarmaan ah in aynu sameysano weji cusub kaasi oo ah siyaasadeena cusub.

Sidaa darraadeed si loo dejiyo qorshaha iyo nidaamka siyaasadeena cusub ee leh baaxada sidaasi u balaadhan. Shir aan caadi ahayn ayaa waxaa qabtay gudiga amaanka (SNM). Oo uu gudoominayo gudoomiyaha jabhada C/raxmaan Axmed Cali.

Shirkan waxaan kaga hadalnay marxaladihii kala gedisnaa ee uu soomaray halgankeenu, taasi oo ay saldhig u tahay in aynu qaabaysano siyaasad cusub oo aynu udejisano geyigan.

Waxaan dhamaanteen ka warqabna xaqiiqda,in dadka aan ahayn Isaaq ee inala degan gobolada waqooyi,kuwaasoo ka dhego xidhnaa dhiigii daadanayey ee xukunkii Siyaad Barre, halgankan waxaynu ku luminay dad badan kuwaasoo aan la ilaawi karin oo weli baaqi ku ah xasuusteena, ayna xusi doonto taariikhdu.

Si looga hortago oo loo hubiyo mustaqbalka dadka lidiga inagu ah ee aan ahayn isaaqa(Warsangeli,Dhulbahante,Gudabiirsey iyo Dir). Hada waxaynu haysanaa fursad ah baahi aynu u qabno in aynu ka dhigno waqooyiga Soomaaliya gebi ahaantiis dhul ay ka taliyaan Reer Shiikh Isxaaq oo keliya.

Sidaasi daraadeed si’aynu ugu guulaysano hadafkeena cad iyo ujeedooyinka kuwaasi oo umidho dhali doona jiilasha cusub, waxaanu dejisanay shuruudahan iyo qodoban oo ah kuwo aan la baal mari karin.

1.Gebi ahaanba in hubka laga dhigo oo laga dheereeyo qabiilada aan ahayn Isaaq ee inala dega waqooyiga Soomaaliya. Kuwaasi oo hadii kale joojinaya,caqabadna ku noqon kara ujeedada iyo doonisteeda ah in aynu guud ahaan xukuno dhulkaasi oo idil.

2.In aan burburino dhaqaalaha iyo Horumarka dhamaan dadka aan ahayn qabiilka Isaaq ee gobolka degan, si aanay awood ugu yeelan taasi oo ah awood maamul iyo mid ciidan.

3.In aan yeelano sir qabiil oo inoo gaar ah,iyo ciidan sirdoon ah oo soo ururiya xogta iyo mawqifka cadowgeenu higsanayaan, iyo dhamaan dhaqdhaqaaq iyo xarakaadka ay samaynayaan dadka aan isaaqa aheyn ee inala degan gobolada Waqooyi.

4.In aynu ugu talo galno cad quudheed aan muuqan,dadka aan aheyn Isaaqa ee xukuumadeena hoos iman doona iyo golaha wasiirada taasi oo si dhaqkhso ah loo dejiyo.

Tani oo ay ujeedadoodu tahay si hoos loogu dhigo dadkaasi, boosaaskooda dastuuriga ahna ay buuxiyaan dadkeenu.

5.In loo dhiibo xilalka ciidanka xubnaha Firfircoon ee SNM, si maamulku uusan gacanteena udhaafin, sidoo kale in ciidamo dalriix ah la dulgeeyo dhamaan dhulka ay degaan beelaha aan ahayn Reer Shiikh Isxaaq, si waxwalba oo aynu doonayno ay u hirgalaan loolana socdo xarakaadkooda.

6.In si joogto ah loo argagax geliyo laguna abuuro cabsi, qabiilada aan ahayn Isaaqa, si dhulkooda aan udegno oo u qabsano, aynuna u balaadhino dhulka Reer Shiikh Isxaaq.

7.In aynu u ololeyno abuuritaanka borobogaandooyin iyo hawlo been abuur, kuwaasi oo ujeedadoo ay tahay in aynu ka hortagno in ay waxfahmaan oo yeeshaan isbaahaysi qabiilada aan ahayn Isaaqa kuwaasi oo ah, Warsangeli,Dhulbahante, oo ah dhinac iyo dhinaca kale,Gudabiirsey iyo Ciise.

8.In aan ka wacyi gelino oo ka cidhibtirno fikradaha dadweynaha in SNM ay hoostimaado nabada iyo amniga waqooyiga Soomaaliya, Micnaha (In aynaan ka guurin SNM e u guurno qaab dawladeed dadkana ka dhaadhicino in aynu nahay Dawlad inagoo ku dhaqmayno nidaam hoosaadkeena SNM).

Gebagebadii, si aynu ugu guulaysano hirgelinta iyo dhameystirka ujeedooyinkeena aynu soo xusnay ee gundhiga u ah halgankeena. Waxaa lagama maar maan ah in aynu ka dhaadhicino oo ku hirgelino siyaasad qabow oo ay weheliso khayaano iyo dhagrid ku wajahan dadka aan aheyn Isaaqa ee inala degan waqooyiga.inagoo ku dibaaqeyna maahmaahda Soomaaliyeed ee ah : “Dhib iyo Rafaad geli dabadeedna Dil”.
siren
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7879
Joined: Fri Nov 28, 2003 7:00 pm
Location: PREPARE- D-DAY IS COMING!

Re: Waraaq SNM Qortay 1994 iyo Qorshaha Dhulbahante iyo Wars

Post by siren »

^ Abahaaa usheeg... :roll:
siren
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7879
Joined: Fri Nov 28, 2003 7:00 pm
Location: PREPARE- D-DAY IS COMING!

Re: Waraaq SNM Qortay 1994 iyo Qorshaha Dhulbahante iyo Wars

Post by siren »

Stop spamming you little imbecile or else.... :x
User avatar
juzme123
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1653
Joined: Thu Dec 16, 2010 3:50 pm

Re: Waraaq SNM Qortay 1994 iyo Qorshaha Dhulbahante iyo Wars

Post by juzme123 »

O.K I'll stop spamming :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: ROFL :lol: :lol:
User avatar
ToughGong
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15321
Joined: Mon Jul 14, 2008 11:06 pm
Location: No Justice Just Us

Re: Waraaq SNM Qortay 1994 iyo Qorshaha Dhulbahante iyo Wars

Post by ToughGong »

Pppppprrrrrrrooooooopppppppaaaaaggggggggaaaaaannnnnnnnddddddddaaaaaaa

This is the original, looks like something somebody typed in their Night School English/Secreterial class

Image
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Waraaq SNM Qortay 1994 iyo Qorshaha Dhulbahante iyo Wars

Post by The_Emperior5 »

SNM 1994 SNM 1993 ba ugu danbeysey :|
siren
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7879
Joined: Fri Nov 28, 2003 7:00 pm
Location: PREPARE- D-DAY IS COMING!

Re: Waraaq SNM Qortay 1994 iyo Qorshaha Dhulbahante iyo Wars

Post by siren »

The_Emperior5 wrote:SNM 1994 SNM 1993 ba ugu danbeysey :|
Tell your minions to step away... :evil:
User avatar
Cali_Gaab
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 14013
Joined: Wed Oct 17, 2007 8:50 pm
Location: Sleeping next to my life's cottage

Re: Waraaq SNM Qortay 1994 iyo Qorshaha Dhulbahante iyo Wars

Post by Cali_Gaab »

:lol: :lol: :lol:

These people have no shame.
siren
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7879
Joined: Fri Nov 28, 2003 7:00 pm
Location: PREPARE- D-DAY IS COMING!

Re: Waraaq SNM Qortay 1994 iyo Qorshaha Dhulbahante iyo Wars

Post by siren »

Cali_Gaab wrote::lol: :lol: :lol:

These people have no shame.
Casho Jiqirif should be the last person talking about shame... :?
User avatar
Cali_Gaab
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 14013
Joined: Wed Oct 17, 2007 8:50 pm
Location: Sleeping next to my life's cottage

Re: Waraaq SNM Qortay 1994 iyo Qorshaha Dhulbahante iyo Wars

Post by Cali_Gaab »

You shot yourself in the foot with this :lol:
samadoon-waaxid
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4228
Joined: Tue Feb 10, 2009 9:48 pm
Location: telling Siilaanyo's daughter ictiraaf bed time stories

Re: Waraaq SNM Qortay 1994 iyo Qorshaha Dhulbahante iyo Wars

Post by samadoon-waaxid »

SNM with a typing machine is like a special kid with a computer trying to write HOW TO book. the last three SNM memos i read were
how to form a unity goverment with usc
how to succeed from somalia
then how to isolate their bogyman dhulbahante and warsangali
this letter is for naive idoors who think they r qaran more than the hartis who already know sup :lol:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Sool”