Gudoomiyihii Maxkamad Degmada laascaanood oo Caawa laascaanood lagu dilay
By Cali on Mar 14, 2011 with Comments 0
Wararka Hada naga soo gaadhay Magaalada laascaanood ayaa ku soo Waramaya in Caawa Fiidkii Gudaha Magaalada laascaanood lagu dilay Gudoomiyihii Maxkamada Gobolka Sool Mr Abgaaloow oo Kooxo Hubaysani Magaalada laascaanood ku khaarajiyeen Gudoomiyahaasi Maxkamada Degmada laascaanood.
Gudoomiyaha Maxkamada Degmada laascaanood Abgaaloow ayaana ka soo Jeeda Degmada Caynabo ee Gobolka Sool Waxana dhawaan loo soo Magacaabay Xilkaasi Gudoomiyaha Maxkamada Degmada laascaanood oo uu hayaan shaqadaasi ka Waday Magaalada laascaanood.
Dilka Gudoomiyaha Maxkamada Degmada laascaanood ayaana ku soo Beegmaya Xili todobaadkani Gudihiisa Magaalada laascaanood lagu Dilay taliyihii Sirdoonka ee Gobolkaasi ee Maamulka Somaliland Waxana Dilalkaasi ka sii horeeyey Dilal horay loogu khaarajiyey Saraakiil katirsan Maamulka Siilaanyo, lama oga kooxaha Dilalkaasi ka Danbeeya.
Riix Kana Daawo Wararka WidhWidh Online
Cali dhagjar
Widh Widh online




