Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Waxgaradka Gobolka Cayn oo Bayaan Kasoo Saaray Buuhoodle.

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Waxgaradka Gobolka Cayn oo Bayaan Kasoo Saaray Buuhoodle.

Postby FBISOMALIA » Sat Mar 19, 2011 6:10 pm

Waxgaradka gobolka Cayn ayaa magaalada Buuhoodle kasoo saaray bayaan ka kooban lix qodob, kaasi oo ku aadan maamulka Somaliland iyo beelaha gobolkaasi.

Bayaan ay soo saareen sagaal kamid ah Isimada sida weyn looga yaqaan gobolka ayaa waxaa lagu faah faahiyey qodobada oo saddex kamid ah ay ku wajahan yihiin maamulka Somaliland, halka saddexda kalena ay ku aadan yihiin dadka gobolka.

Qodobada bayaanka.

1. In uusan jirin wax wada hadal nabadeed ah oo ay beeshu la gelayso maamulka Somaliland, inta Ciidamada Somaliland kusugan yihiin gobolka.

2. In shirkii Burco ka dhacay sanadkii 1991-dii uu ahaa mid nabadeed ee uusan ahayn mid siyaasadeed ama beeshu arrimo siyaasadeed ula jeeday.

3. In Ciidamada Somaliland si deg deg ah looga saaro gobolka Cayn oo qaybo kamid ah iminka kusugan yihiin.

4. In dadka gobolku u midoobaan sidii Ciidamada Somaliland xoog loogu saari lahaa haddii aan gobolka laga saarin ama ay baaqa Isimada dhegaha ka furaystaan.

5. In dadka gobolka Cayn ay midoobaan isla markaana iska daayaan tafaraaruqa iyo kala qaybsanaanta.

6. In dhamaan shirarka looga hadlaayo arrimaha gobolka lagu qabto gudaha dalka, taasi oo la gaaray kadib markii shirar lagu kala qaybsamay ay ka dhaceen dhanka dibadda.

Garaad Saleebaan Buraale Aadan oo kamid ah Isimada bayaanka soo saaray ayaa sheegay mar uu faah faahinaayey qodobada ay soo saareen in arrintan ay gaareen kadib markii maamulka Somaliland kasoo bixi weeyey balanqaad ay hadda ka hor sameeyeen, kaasi oo ku aadanaa in Ciidamada Somaliland laga saaro guud ahaanba gobolka Cayn.

Garaadka ayaa sidoo kale sheegay in Isimada maanta bayaanka soo saaray ay ugu baaqaayaan dhamaan bulshada gobolka dal iyo dibadba in ay u kacaan sidii xaaladaha gobolka wax looga qaban lahaa.

Bayaanka ay maanta magaalada Buuhoodle kasoo saareen Isimada gobolka Cayn ayaa imanaaya xilli xaaladda gobolku soo martay xeerar kala duwan, iyadoo dhowaan ay ka dhaceen dagaallo dhexmaray dadka deegaanka iyo Ciidamada Somaliland.

Horseed Media

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Sool”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 1 guest