SSC State &Army To Extend Its Authority Throughout SSCRegion
Posted: Tue Mar 29, 2011 4:05 pm
Hogaamiye ku xigeenka SSC Col. Cali Sabaray ku sugan Boocame kuna sii jeeda Tukaraq
Hogaamiye ku xigeenka SSC ahna ku simaha Hogaanka Col Cali Sabaray oo wata cutubyo ka mid ah Ciidamadda SSC ayaa u soo ruqaansaday dhinac deegaanadda Tukaraq ee Gobalka Sool waxana iminka waftigani ay nasasho ahaan ku yara hakadeen degmadda Boocame iyada oo boqolaal ka mid ah shacabka degmadaasi ay si heer sarre ah waftigan u soo dhaweeyeen kuwaas oo kaga hortagay meel 5 km u jirta magaaladda
Col. Cali Sabaray oo aanu khadka Telephone-ka kula xidhiidhnay ayaa noo xaqiijiyey in cutubyo ciidamadda SSC oo uu horkacayo isla markaasna ay safarkan ku waheliyaan xubno labadda Gole ee SSC ka mid ah uu ku jooga Boocame uuna ku sii jeedo Tukaraq si uu hawlo ciidan uga fuliyo waxana uu sheegay in Ciidamo dhamaystay Tababaro uu usoo xidhayo sidoo kalane uu kormeer ku samaynayo ciidamo ku xaraysan xeeryin militari oo kuyaala deegaanadaas oo kuwaas oo iminka isku diyaarinaya hanasho magaaladda Laascaanood ah
Col. Cali Sabaray safarkiisan oo ujeedooyin badan huwan ayaa la garanayn in uu dib ugu soo noqon doono Buuhoodle iyadda oo si weyn la iskula dhexmarayo in Hogaamiye ku xigeenka iyo xubno waheliya ay ka soo guuree buuhoodle,warar madax-banan oo kale waxa ay sheegayaan in Col. Cali Sabaray uu ka mid yahay xubnaha lagu casumay shirka London markaas ma cadda in uu safar ku yahay London oo ka sii gudbi doono Tukaraq
Col. Cali Sabaray iyo Ciidamadan uu wato waxa ay dhirbaaxooyin waa weyn ku dhufteen Malayshiyadka SMN-ta dagaalo fara badan oo ka dhacay Gobalka Cayn isla markaasna baajiyey in Buuhoodle ay u gacan gasho SNM_ta, waxana Halyeyadda naftood hurayasha SSC ay isku diyaarinayaan in ay casharo waa weyn u dhigaan Malayshiyaadka Somalidiidka ah ee ku sugan Laascaanood
allssc@hotmail.com
---------------------------------------------------------------------------------------------------------------
Col. Cali Sabarey Oo Soo Gaadhay Nugaal
Boocame,(lasanod Online)- Hogaamiye ku-xigeenka Hogaanka SSC Col.Cali Sabarey iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa soo gaadhay magaalada Boocame.
Cali Sabarey waxaa weheliya madax sare oo ka tirisan golaha khusuusiga iyo Hogaanka SSC.
Col. Sabaray oo khadka telefoonka aanu kula xidhiidhnay ayaa sheegay in socdaalkiisani la xidhiidho sidii maamulka SSC looga hiregelinlahaa degaamada Nugaasha, kadib markii guulo la taaban karo ay ka gaadheen dhinaca hawdka.
Waxaanu geli doonaa buu yidhi wad tashi iyo shirar dadka degan deegaanka Nugaasha.. mar aanu weydiinay inuu Tukaraq gaadhi doono, Cali wuxuu ku jawaabay " waan tegeyaa magaalo iyo geed kasta oo ku yaala deegaanka Nugaasha, wacyigelin wada tashi iyo abaabulka shacabka baanu u nimid".
Col. Cali ayaa noo sheegay inuu shir markaas kula jiray waxgaradka iyo Odayasha degmada Boocame, si aad u diiran oo walaaltinimi ku dheehantahayna loogu soo dhoweeyey..
Socdaalkan Co. Sabarey ee dhinaca Nugaasha ayaa noqonaysa talaabo cusub oo maamulka SSC oo hawdka ku sugnaa ku dardar gelinayo abaabulka aaga Nugaasha oo habcsanaan badani ka muuqatay.
Col. Cali Sabarey ayaa noo xaqiijiyey inuusan dib ugu noqon doonin dhinaca Hawdka beryahan ee xaruntiisu noqonayso goob ku taal Nugaasha. Isagoo tilmaamay in hawlihii dhinaca hawdku soo gabogaboobeen lagana gaadhay guul.
Kala Socda Lasanod Online oo ku hawlan inay waraysi la yeelato Hogaamiye Ku xigeenka dhowaan.. ee la socda..
Copyright © 2010 Lasanod.com
----------------------------------