Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Nugaal university gets a new building

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
samadoon-waaxid
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4228
Joined: Tue Feb 10, 2009 9:48 pm
Location: telling Siilaanyo's daughter ictiraaf bed time stories

Nugaal university gets a new building

Postby samadoon-waaxid » Thu Apr 21, 2011 1:21 am

reer Laas Caanood lay the cornerstone foundation for Nugaal University's new campus

Image

Image
Image
Waxaa maanta la dhagax dhigay dhisme ay yeelanayso Jaamacada Nugaal ee magaalada Laascaanood,dhismahaas oo laga hirgelinayo dhul balaadhan oo jaamacada loogu talo galay oo ku yaal gudaha magaalada.

Munaasibadii lagu dhigayay dhismaha Jaamacada ayaa ay ka qayb galeen qaybaha kala duwan ee Bulshada reer Laascaanood,Maamulka Gobolka iyo ka degmada iyo sidoo kale masuuliyiin ka socotay Shirkada Dhismaha Ee Daldhis,shirkadaasoo iyaduu qaadatay mashruuca dhismaha Jaamacada.

Masuuliyiin dhagax dhigan ka qayb galay ayaa hadalo kala duwan oo ay kasoo jeediyeen goobtaas waxay ku nuuxnuuxsadeen faa’iidooyinka ay Jaamacadu u leedahay bulshada iyo sidoo kale ay sheegeen inay haboontahay in la garab istaago cid alaale cidii ku hawlan dhismaha Jaamacada Nugaal.

Sidoo kale masuuliyiintan waxay wax lagu farxo ku tilmaameen in maanta wixii ka bilowdo ay Laascaanood yeelanayso Jaamacad ay shacabka reer Laascaanood leeyihiin isla markaana qayb laxaad leh ka qaadanaysa soo saarida jiilal aqoontoodu sarayso.

Masuuliyiintii Goobtaasi ka hadlay waxaa kamid ahaa Masuul ka socday shirkada ku hawlan dhismaha Jaamacada ee Daldhis,isagoo sheegay in ka shirkad ahaan ay ka go’antahay inay dhismaha Jaamacada ay u dhisaan sida dhismayaasha casrigaa ee dunida waqtigan laga dhiso.

Shirkada fulinaysa dhismaha Jaamacada ayaa ah shirkad wadaniya oo ay leeyihiin ganacsato reer Laascaanood fadhigeeduna uu yahay gudaha magaalada Laascaanood.

Si kastaba ha ahaatee dhismaha Jaamacada Nugaal ay yeelanayso wuxuu wax wayn ka tarayaa horumarka waxbarasho ee Jaamacada oo waqtigan iyadu ku jirta dhisme kiro ah kaasoo aan ahayn mid ku filan ardayda jaamacadan wax ka dhigata.

Jaamacada Nugaal University oo iyadu mudo sanadaa jirtay waxay ka koobantahay kuliyado kala duwan oo isugu jira maamulka iyo maaraynta iyo sidoo kale kulliyada Shareecada Islaamka iyadoo ay jiraan kulliyado dhawra oo jaamacadaas la dhigo,iyadoo masuuliyiinta Jaamacaduna ay sheegeen in marka ay yeelato jaamacadu dhisme u gaara ay kusoo kordhin doonaan kulliyado hor leh.

Munaasibadii saaka lagu dhagax dhigayay dhismaha ay yeelanayso Jaamacada Nugaal waxaa lagu arkayn maamulka iyo macalimiinta Jaamacada oo goobtaas ku sugan taasoo in badan lays waydiiyay sababta ay masuuliyiintaasi ay uga maqanyihiin munaasibadan.

Waxaa warar soo baxayaa sheegayaan in maamulka Jaamacada Nugaal University aanay u diyaar garoobin inay ka qayb galaan munaasibadan sababo aan la ogayn darteed.

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Sool”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 2 guests