Page 2 of 2

Re: The Count-down is on when the party is going to start

Posted: Fri Apr 29, 2011 8:07 pm
by Goljano Lion
President Farooleh Said:

SSC waa wax la doonayay in lagu qaraabto hadase iskaba baaba’day, waa dad qar-dheer ka soo hadlaya, waa dad marar badan isku dayay in ay isku dhuftaan Puntland iyo Soomaaliand, waa dad qayb ka ah dhibaatada Gaalkacyo, waa dad lacag la soo siiyay oo doonaya in ay qalqal gashaan ammaanka Puntland, waan la soconaa in ay dad lacago u soo direen oo ay dhaheen dad noo hadla noo noqda ayuu yiri M-waynuhu”


http://www.puntlandpost.com/boosaaso-m- ... -puntland/

Re: The Count-down is on when the party is going to start

Posted: Fri Apr 29, 2011 8:59 pm
by udun
^Goljano Lion,

Dhaan dhaan baad tahay, arimo aan la gelin baa jira. Markaa reer aadan ahayn dhexdiisa isku tuur tuurayo, banaankaa laga joogaa :idea:

Waxay ila tahay suuqii San Fransisco baa ka yara xun :lol: oo halkan Sool baad waqtiga ku dilaysaa :lol:

I see 3 topics you made and they were all about SSC. That is a proof that your mind is obsessed is with SSC :down: Just concentrate on the San Fransisco business and stay out arrimahan oo kale :lol:

Re: The Count-down is on when the party is going to start

Posted: Fri Apr 29, 2011 9:32 pm
by Goljano Lion
^Goljano Lion,

Dhaan dhaan baad tahay, arimo aan la gelin baa jira. Markaa reer aadan ahayn dhexdiisa isku tuur tuurayo, banaankaa laga joogaa :idea:

Waxay ila tahay suuqii San Fransisco baa ka yara xun :lol: oo halkan Sool baad waqtiga ku dilaysaa :lol:

I see 3 topics you made and they were all about SSC. That is a proof that your mind is obsessed is with SSC :down: Just concentrate on the San Fransisco business and stay out arrimahan oo kale :lol:

:lol: :lol: its on every website, Farooleh waa runtiis , nimkan SSC waxay u shaqeeyaan Shiekh shariif iyo xaarmaajo

Re: The Count-down is on when the party is going to start

Posted: Sat Apr 30, 2011 12:05 am
by samadoon-waaxid
It is true that your group wants a PM portfolio from Siilaanyo. Udun is well-informed guy :lol: :lol:

We will insha'Allaah meet you guys in either Boocame or Buurawadal. We are waiting for you guys there. Remember, we have 9 isimo in our camp including yours Suldaan Siciid :lol: :lol: Of course, unless your accept PL waa muqadas, we are gonna take your conspiracy apart just like what happened to Lugooye group that was formed in Nairobi :up:

Haye ma in la is caayo baa la gaadhay, kolay anigu aabayaal gaari maayo.

I have visited Somalia twice and both times I have gone thru Garoowe. If Muqadisho was save, I would have also visited there too. I mean Garoowe is the seat of our government, so of course we should visit there.
anigu cidaan aabahood cayey ma jirto,issim baa maxajar iigu xidhan loo joojin maayo like I said earlier.all in all debating you is like debating a wall.no matter how much evidence lagu siiyo u be a loyalist bintilander like I said.marka ii baashal camo

Re: The Count-down is on when the party is going to start

Posted: Sat Apr 30, 2011 12:17 am
by EastAfrica

Taageero Ka Timi Jaaliyada SSC ee Malmö Sweden

By Taleex Media at a day ago | 6:04 pm

Hadaanu Nahay Jaaliyada Malmö Sweden Waxaan Halkaan Taageero buuxda oo Kal iyo Laab Ah.

Ugu Diraynaa Shirkii Khaatumo ee Kadhacay Lodon April 2011 oo sida fiican ugu dhamaday iyo waji Wanaagsan

Waxaan Halkaan Uga Mahadnaqeenaa Ragii shirkaa soo Qabanqaabiyey,oo Laga xusikaro bulshada Mandaqada SSC ama dhulbahante Oo uu koow Kayahay Gudoomiyaha Shirka Cali Ciise Cabdi Iyo Raga badan oo Ssc Dhexdeeda sumcad kuleh.

Waxaa kaloo Xusid Mudan Oo aan u bognay sida ay isugu tanaasuleen Ururka NSUM Mahamed Cali Mire Khayr Alle hasiiye,Iyo Saleebaan Ciise Ahmed Sida wacan ay isugu tanaasuleen.

Waxaa na soo gaadhsiiyay Taageeradan, Xamdi Canbaashe Cilmi Iyo Ibrahin Sudi (jantiile) Waxaan Leenahay Guul Iyo Gobanimo,SSC Dhulbahante,

WAbilahi Tawfiiq,

Re: The Count-down is on when the party is going to start

Posted: Sat Apr 30, 2011 12:19 am
by EastAfrica
Image


Thursday, April 28th, 2011|

Jaaliyadaha SSC ee ADuunka oo taageeray Shirkii Khaatumo (Akhri)

waxaan halkan ka salaamayaa dhamaan war baahinta s.s.c ee xalaasha ah gaar a haan warbaahinta caalamiga ah ee boocame.com,

anago ah jaliyada ssc ee ku dhaqan dalka yemen gaar a haan magaalada san,a , anigoo ah g\kuxigeenka jaliyada s.s.c ee ku dhaqan dalka yemen gaar a haan magaalada san,a ee xarunta dakaas amaba xarunta dalka tahriibta soomaaliyeed ,

kuna hadlaya afka gudida jaliyada iyo bulshaweenta ku nool san,a ee u dhashay degaamada s.s.c ,

waxaanu halkan ku taageerinaa boqolkiiba boqol ama mi a fil mi a taageero bogaadin iyo hambalyo ba udirinaa goaamadii ka soo baxay shirweynihii ay soo qaban qaabiyeen aqoonyahanada u dhashay s.s.c ee ka dhacey hada wadanka ingriiska taariikh du markii ay aheyd 21_24\4\2011 shirkaas oo aqoonyahanku u bixiyay khaatumo,

waxaanu mar labaad taageero gal iyo laab ah hambalyo kal iyo laab ah u direynaa gaar ahaan,

1\ aqoonyahanka

2\ gudidii qaban qaabada shirka

3\ ururka dhalinyarada ee sudo

4\ hogaanka iyo k\xigeenkiisa col sabarey

5\ hogaanka nsum

6\ isimada sida labo garaad jaamac garaad cali buraale iyo dhamaan jaaliyada s.s.c ee uk ,

waxaanu leenahey guul gobanimo dhamaan shacbka s.s.c meelkasta ay joogaan

anigo ah gudoomiye k\xigeenka jaaliyada s.s.c ee magaalada san,a

c\raxmaan axmed cismaan waraabe dheere asc wa bilaahi toofiiq

——————————————————————————————

Anigoo ah Aadan Axmed Muuse Tulud (Aadan dhagool), anigoo ku hadlaya magaca jaaliyada SSC ee Newzealand gaar ahaan jaaliayada ssc ee magaaladan Auckland, sida xaasakayga fartuun maxmaed axmed iyo caruurteena, Maxamuud xaaji hiirad warase iyo xaaskiisa Aamina geelle maxamuud iyo caruurtooda iyo guud haan jaalidaya ssc aucklanad iyo waliba Newzealand waxaanu marka hore salaan iyo mahadnaq u diraynaa xubnaha warbaahinta ssc gaar ahaan bahda boocame anagoo ugu hambalyeynayna siday dadkooda iyo dalkooda ugu hagar baxeen iyo wararka xaqiiqda ah ee ay hadh iyo habeen ka soo tabinayaan.

Intaa kadib waxaan halkan si wada jir ah oo midnimo iyo maamus sare leh hambalyo iyo bogaadin uga diraynaa halyeedadeena ka qaybgalay ee ka midho dhaliyey shikii khaatumo siiba waxaanu si gaara u taageeraynaa una soo dhawaynaynaa go’aamada geesinimada leh iyo midnimada ay muujiyeen hogaamiyaasheena kala ah Eng. mohamed Ali Mire iyo Dr. Suleyman Is se Ahmed, taasna waxaan u aragnaa guul labaad oo u soo hoyatay Ummada ku abtirsata SSC ka dib go’aandii khaatumo iyo ayaha SSC, waxaana ku rajo waynahay hadii halkaa laga sii amba qaado in goor dhaw guushaa midhaheeda la guran doono INSHA ALLAAH halgankeenu uu najaxi doono ileen horaa loo yidhi ilko wada jir bay wax ku gooyaan Ummadina wada jir bay himilladeed ku hanataa.

ILAAHAY TUBTA TOOSAN HA INA WAAFAJIYO

——————————————–

DHAMAAN QURBA JOOGATA KU DHAQAN BOSTON. AM IYO AGAGAARKEEDU WAXAY TAAGEERO IYO HANBAALYO
U DIRAYAAN SHIKII KHAATUMO EE KU SOO DHAMAADAY UK. WAXAANAY ILAAHAY UGA BARYAYAAN INUU NOQDO
KII LAGU NAJOXO DHAAM DHULBAHANTE MEELKASTUU JOOGO

ILAAHAY BAA MAHAD ISKA LEH
DHAMAAN DAGAAAAAAAAAAAL
DHAMAAN GUUUUUUUUUUUUUL
DHAMAAN XORNIIIIIIIIIIIIIIIIMO
DHAMAAN BARWAAAAAAAAQO
DHAMAAN DIB U DHIIIIIIIIIIIIIIS

————————————-

aageerida Shirka Khaatumo ee beelwaynta Dhulbahante ee Gobolada SSC.

Gudoomiyihii Hore ee jaaliyada SSC Malaysia oo si buuxda utaageeray shirka Khaatumo ee Gobolada SSC
waxaa taageerid mudan shirwaynihii SSC ee ka dhacay wadanka UK looguna magacdaray “Khaatumo” waxaana shirkaasi u dhacay si habsami ah oo aad iyo aad uwacan waana loobaahnaa shirkaasi inuu dhaco laguna mideeyo fikirka beesha waxaana ka soobaxay go’aano midho dhal ah, waxaana isugu yimid aqoonyahanadii SSC ee indhaha u ahaa wadanka loona baahnaa inay dhibaatada maanta gobolada SSC haysata sidii ay uga samata bixin lahaayeen ilaah baa wax samata bixiyee, waxaana maanta muuqatay in ay beeshu isku fikir tahay iskuna duubantahay maadama ay Hogaankoodii si kal iyo laaba utaageereen una daba fadhiisteen waayo umadi madax la’aan ma noolaato.
Sikastaba ha ahaatee waxaa Qabsoomay Shirkii loobaahnaa ee SSC inay gudo iyo dibadba ay ka muuqdaan inay horumarka goboladooda iyo xoraynta gobolada maqan aysan indhaha kala laabanayn maadaama ay yihiin indhihii goboladooda ama aqoonyahaniintii berito iyagu hogaamin lahaa shacabkooduna ugu daba fayli lahaa.
Hadaba waxaa shirkan uu noqondoonaa mid lagu diirsado oo lagaga samato baxo dhibaatooyinka maanta jira.
Gudoomiyihii Hore ee Jaaliyada SSC ee wadanka Malaysia oo isagu hada kusugan wadanka Thailand ayaa taageeray isaga oo halkaas u jooga dhamaystirka waxbarashadiisii uuwatay waxaana uu ku tilmaamay mid macquul ah oo midho dhalidoona.

Dr.Mohamed Abdirahman Muuse…(Dr.basbaas)
Contact: +66890437442
Email:basbaas2000@hotmail.com
Thailand Bangkok

—————————————————–
Salaama calaykum dhammaan Bulshada SSC dibad iyo gudaba, haddaannu nahay jaaliyadda SSC ee dalka Noorway waxaannu taageero buuxda u diraynaa shirkii Khaatumo ee guusha ku dhammaaday, waxaannu hambalyo iyo bogaadin u diraynaa aqoonyahanadii soo qaban qaabiyey shirkan oo runtii meeshii la rabay dhigay.
Waxaan kaloo hanbalyo taa lamida u dirayanaa Jaaliyadda SSC UK gaar haan Jaaliyadda Lodon oo runtii sida ay u qaabeeyeen shirkaas ummadda soomaalida meel kastooy joogto ku ammaaneen intaan ahayn cadwga SSC oo iyagu aad uga naxay quruxda iyo guusha meeshaas ka dhacday.
Waxaan kaloo ammaanaynaa hoggaanka SSC iyo ururka NSUM heshiiska ay ku midoobeen waxaanna leenahay guushaas maanta la gaadhay yaan la dayicin walaallayaal.
Dadkii dhuka joogayna waxaan leenahay walaalyaal qorbojoog midawdaye waana soosocotaa e idinkoomida aan idiin nimaadno, mar dhawna idinka ayaa ka tashandoona masiirkiinna oo soomaalidiid danbe waa ka xaraan xero daraawiisheed, taaku niyad samaada.
Cabdi Ciise
Oslo/Norway
——————————-

Dhamaan bulsho weynta u dhalatay gobalada Sool,Sanaag iyo Cayn e ku dhaqan wadanka Holland waxay hambalyo iyo bogaadin farxad ku dheehantay i dirayaan dhamaan aqoonyahanadii ka qayb galay shirkii KHAATUMO ee ka dhacay London waxaanna taageersannahay dhamaan go,aamadii kaso baxay shirka KHAATUMO ilahayna waxaan ka baryaynaa inuu nooga dhigo kuwo wax ku oola oo aynu ku rayno anaguna hadaan nahay jaaliyaad SSC e Holland waxaan hiil iyo hooba la garab taaganahay maamulka SSC e u madaxweynaha u yahay DR.Saleeban Ciise Ahmed Kaar(Xaglotoosiye).Waxaan salaam gaar ah oo sharaf iyo midnimo ku dheehantahay u diraynaa dhamaan dadkii ka qayb qaatay shirkaas sharafta leh intii so qaban qaabisay ee kaso shaqaysayna ilahay subxaana wa tacala khayrka iyo wanaaga ay garteen in ilahay ajar kasiiyo. Waxaan halkan salaan iyo mahadnaq ugu dirayna gaar ahaan:

1:DR.Saleeban Ciise Ahmed Kaar(xaglotoosiye)
2:Prof.Ali Khaliid Galaydh
3:Garaad Jaamac Garaad Ismail
4:DR.Jamac Abshir
5:Ahmed Diiriye Mohamed
6:Mohamed Ali Mire
7:Gudoomiyaha jaaliyada SSC e UK iyo dhamaan Gudiga jaaliyada SSC UK
8:Jaaliyada dhalinyarada Sudo
9:Fanaanadeenna qaran Saado Ali Warsame(Saado Cumaani)
10:iyo dhamaan dadkii ka qayb galay shirkaas iyo intii gacanta ka geysatayba.

waxaan leenahay shirka KHAATUMO ilahay khayrkiisa ha ina siiyo kii soomali khaatumo iyo khayr u wada noqda allah ha ka dhigo dadkeena iyo dalkeena kii wanaag iyo horumar u horseeda allah ha inooga dhigo aamiin aaamiin.

waa bilaahi tawfiiq!!

———————————————

Waxaan anigoo ah caynaashe Cabdirahman kuna hadlaya magaca jaaliyada Calgary, ee wadanka Canada
mahad baladhan marka hore amaan aan la soo koobi karin hawada u soo marinaynayaa shabakada Boocame
siiba hogaamiyaheda Maxamuud Boocame oo kaalin libaaxnimo kaga jira warbaahinta xalaasha ah .
Ta xigta waxaan hambalyo aan la soo kobi karin hawada u soo marinayayna jaaliyada reer london
oo Baal dahaba ka gashay tariiqda midnimada SSC hambalyo hogaamiye Cabdilahi Daarood iyo ciidankiisa.
Ugu dambeyn waxaan u bogaadinaynaa aqoonyahandii iyo wax garadkii jaaliyada SSC
ee go'aamada geesinimada ah isku garab taagay qadiyada xalaasha ah ee dadkoodu hore u gaadheen.
Waxaan ku soo gabagabaynaynaa "No SNM, NO SSDF, Yes SSC& Somalinimo.
----------------------------------------------------------------------

Re: The Count-down is on when the party is going to start

Posted: Sat Apr 30, 2011 1:00 am
by EastAfrica
Jaaliyadda Chicago oo Taageertay Shirkii Khaatumo Iyo Go’aamaddii ka Soo Baxay

Anigoo ku hadlaya Magaca jaaliyada SSC ee City of Chicago waxaanu Taageero iyo Bogaadin u diriynaa Gudigii qabanqaabada ,kasoo qaybgalayaashii shirka iyo go’aanadii wax ku oolka ahaa ee ka soo baxay.

Waxaanu mahad gaar ah u jeedineynaa jaaliyada SSC ee UK sidii hagar la’aanta ah ee ay uga qayb qaateen shirka ,waxayna mudan yihiin ku dayasho.
waxaa ilaahay mahadii ah muwaafaqii ay muujiyeen aqoonyahankii dhulbahante ee shirka ka qaybgalay,iyo qubuulkii uu dadka dhexdiisa kala kulmay go’aankoodii.
waxaa jira in Rasuulkeenii udgoona cswc uu yidhi ma jiro shey laga helay muwaafaqo oo aan Hagaagin.

Waxaanu U diyaar sanahay inaanu hawsha dhinacayaga qabo inshaa Allaahu.
Waxaananu Leenahay waa intaasoo looga sii dhowaado. waxaanu idinka fileynaa bilow wanaagsan iyo dhamaad mirihiisa lakala dhaxlo.
waa afhayeenka jaaliyada .
Mohamad kilwe Calikaarshe [sandheere]

Re: The Count-down is on when the party is going to start

Posted: Sat Apr 30, 2011 1:01 am
by EastAfrica
jaaliyadda ssc ee magaalada jidda saudi arabia oo tahniyad iyo taageero siisay shirka khaatumo iyo guddida cusubba

Posted by SSCnews on Apr 28th, 2011 // No Comment

jaaliyadda magaalada jidda ee waddanka saudi arabiya oo hanbalyo u diraya xubnaha cusub ee kusoo biiray maamulka ssc iyo soo dhaween ay soo dhaween shirka khaatumo

waxayna tilmaameen nimanka loo magcaabay boosaska cusub inay xilkooda qaban karaan waxayna ilaahay oga baryeen inuu u hawl fududeeyo hawshooda shaqo
waxaana kamid ah ragga hanbalyada iyo taageerista shirka soo gudbiyay

1.guddoomiyaha jaaliyadda ssc cabdinaasir maxamed abokor
2.afhayeenka jaaliyadda saudiga cabdisalan maxamed farah(hayden)
3.xoghayaha maaliyadda ali xassan jamac( ali pepsi)
4. isku xidhaha jaaliyadda abdirahman xariir sh. maxamed
5. oday ali ismail gurraase
6. Dr ahmed khaliif miidhaaf
7. Dr abdillaahi jamac xussein
8. caaqil rashiid jamac faruur
9. yaasiin barre cabdi dable
10. omar xirsi cali
11. deeq ibrahim xabashi

waa hanbalyo iyo taageero buuxda ay soo gudbiyeen jaaliyadda jidda ee wadanka saudi arabiya

Re: The Count-down is on when the party is going to start

Posted: Sat Apr 30, 2011 1:25 am
by EastAfrica
[youtube]oyOUTs8e-eQ&[/youtube]




Shacabka Laascaanood oo Taageeray Shirkii London


:som: :som: :som: :som: :som: :som: :som: :som: :som: :som: :som: :som:
:up: :up: :up: :up: :up: :up: :up: :up: :up: :up: :up: :up: :up: :up: :up:
:clap: :clap: :clap: :clap: :clap: :clap: :clap: :clap: :clap: :clap: :clap: :clap:

Re: The Count-down is on when the party is going to start

Posted: Sat Apr 30, 2011 9:45 am
by udun
:lol: :lol: :lol: @ East Africa.