Ciidamada Soomaaliland Oo Si Bini’aadanimada Ka Baxsan Ula Dhaqmey Nin Xoola-dhaqato Ah
Ciidamada Soomaaliland ee ku sugan deegaanada Kalshaale iyo Hagoogane ee gobolka Ceyn ayaa si bini’aadanimada ka baxsan ula dhaqmay mid ka mid ah xoola-dhaqatada gobolka Ceyn xilli halkaasi uu ka dhacay dagaal u dhaxeeya ciidamada Soomaaliland iyo maleeshiyaadka deegaanka.
Xilli uu socday dagaal u dhaxeeya ciidamada Soomaaliland iyo maleeshiyaadka deegaanka Kalshaale ayaa waxaa ciidamada Soomaaliland ay gacanta ku dhigeen wiil dhalinyaro ah oo xoola kula jooga nawaaxiga goobaha dagaalku ka dhacay, wiilkaasi oo ay ula dhaqmeen si aan caadi ahayn oo khatar ku ah noloshiisa.
Lugaha & Gacmaha C/weli oo aad u liita uuna ka muuqdo dhaawac xoogan
C/weli Ibraahim Ducaale Darwiish oo ah wiilka ay gacanta ku dhigeen ciidamada Soomaaliland ayaa waxaa la keenay Isbitaalka magaalada Gaalkacyo isagoo ay ku yaaliin dhaawacyo aad u fool xun oo kicinaya dareenka qofka bini’aadamka ah ee fiirsada muuqaalkiisa.
Lafaha gacanta oo banaanka u soo baxay kadib xarigii ay ku sameeyeen ciidanka somaliland
Ninkan dhalinyarada ah ayaa ciidamada Soomaaliland waxaa ay ka xireen afarta adimood oo ay kaga xireen xarig isla markaana waxay ka soo laad-laadiyeen geed weyn oo ku yaalay aaga dagaalka ee deegaanka Kalshaale halkaasi oo ay markii dambe kaga tageen isaga oo xiran.
C/weli oo la murugsan xaaladiisa caafimaad iyo dhibaatada soo gaartey afartiisa adimood
Sida uu sheegay C/weli Ibraahim waxaa uu geedka ku xirnaa oo uu ka laad-laaday muddo saddex maalmood iyo laba habeen ah, iyadoo markii dambe ay arkeen dad reer guuraa ah ninkan ka soo lusha geedka ee xiran oo misana dhaawaca ah, kuwaasi oo xariga ka furay misana soo gaarsiiyay degmada Buuhoodle halkaasi oo markii dambe laga soo qaadey dhaawaciisa.
C/weli waxaa dhaawac khatar ah uu ka soo gaarey gacmaha iyo lugaha gaar ahaan meelihii xarguhu kaga xirnaayeen, sida muuqaalka aad ku aragtaana waxaa C/weli xaaladiisa caafimaad ay haatan ku jirtaa heer khatar ah inkastoo ay gacanta ku hayaan dhaqaatiirta gobolka Mudug oo la tacaalaya xaaladiisa caafimaad.
Dhibaatada xariga ka soo gaartey C/weli Ducaale ayaa sababi karta in la jaro qeybo ka mid ah waaxyihiisa gaar ahaan mid ka mid ah gacmihiisa, maadaama xariga lagu xiray aawadiis ay banaanka u soo baxeen lafihii gacanta oo ay qalaleen dhamaan xididadii iyo hilibkii gacantu lahayd.
Xariga iyo dhibaatada loo geystay C/weli ayaa ah wax aad looga naxo, waxaana arintaani ay noqoneysa mid dad badan ku abuurta dareen kicin, sababtoo ah waxaa qof walba u muuqaneysa in ciidamada Soomaaliland ay deegaanada Kalshaale iyo Hagoogane ka geysteen gaboodfal iyo xasuuq shacab, maadaama C/weli uu ahaa nin xoola-dhaqato ah oo ka madax banaanaa dagaalada ka dhacayey deegaankaasi sida uu xaqiijiyey.
Dhinaca kale waxaa arintani cambaareeyay shacabka ku dhaqan magaalooyinka Buuhoodle iyo Gaalkacyo kuwaasi oo sheegay in ay Hay’adaha Xuquuqul Insaanka ugu baaqayaan in ay talaabo ka qaadaan Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo oo ay sheegeen in ay gobolka Ceyn ka geysatay xasuuq shacab
.
sidoo kale muqaalkan ad arakaysan waa hooyo ad u da weyn oo ciidamada somalailnd xabad ku dhutaan hooyo
Caasha Ciise Amaan waxay tala Hospitalka guud ee buuhoodle caasha ciise amaan waxay jirta 75 sano
MUQAALKAN ad rakaysan waa ilmo yar oo joogay guri miyi ah isla markana ciidamad somaliland ay soo galeen guri iyagoo badhanaya giria isla markana cabyey biyo hamaah ku jirayey qori dabad afka kga dhufteen ilahan yar oo usoo daqaqamay dadkan ku sugan gurigoodii ciidamad Salaanyo tariikhda aya xusidoonta gabood falka ay ka gaysten gobolka Cayn
wixii kasoo kordha kala soco isha wararka sugan
www.buhodlepost.com
isse Ahmed soofe