
Warqad Furan Oo ku Socota Warlord Xaabsade:
BY Farhiya Ifiya
Waxaa isweydiin leh oo aan weli cid iiga jawaabta aan waayey oo hada ay igu kaliftay inaan warqadan warbaahinta umariyo, maadaama uu yahay wasiirka warfaafinta Jamhada SNM Axmed Cabdi Xaabsade.
waxaan maalin dhaweyd daawaday shir uu ku qabtay gudaha magaalada laascaanood oo uu kula shirayo dadka dhibaataysan ee kasoo bara kacay gobolada koonfureed ee dagaalku kajiro, Mr.Xaabsade oo dadkaa ku amrayey inay is diiwaan geliyaan qofkii amarkaa diidana uu soo qabanayo kadibna xidhayo kadibna masaafurinayo oo uu kasaarayo magaalada laascaanood maadaama aysan u dhalan sidaa awgeed waa in ay is diiwaan geliyaan hadii kale wixii ku dhaca iyagaa isku dhigay marka waxaan weydiin lahaa ad Mr. Xaabsade ma wasiirka warfaafinta hargeysaa mise waa sarkaal qaabilsan nabsugida? meeshaa waxaa kacad in qofkastaa uu ku amarku taaglayn karo cidii ka tabaryar waxaan leeyahay in haday cidi laascaanood iska diiwaan gelinayso ay iska diiwaan geliyaan dadka hargeysa uu ka keenay Mr. Xaabsade ilayn iyaguba umaysan dhalan gobolka sool hadii aysan isdiiwaan gelinayna ay sida ugu dhaqsaha badan ugaga baxaan magaalada maadaama aysan ahayn dad dhibaato keentay sida walaalahayaga koonfureed ee magaalada ku nool , nabadgelyo darada ka jirta magaalada laascaanood kama ah masuul walaalaha koonfureed ee aad Mr.xaabsadoow aad leedahay waan idin xidhi waana idin masaafurin ee waad lasocotaa cida masuulka ka ah marka fadlan dib isugu noqo oo ku ekoow warfaafinta aad ku magacaabantahay aduunka waxaa kasocda wararbadan oo ubaahan in dadweynuhu wax ka ogaadaan sidaa daraadeed miyeysan qurxoonayn in dadweynaha wasiirka warfaafinta kaa dhigtay inaad aduunka waxa ka dhacay aad lasocod siiso.
mahadsenid Mr. Xaabsade
Farhiya Ifiya




