Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Wafdi kasocda Puntland oo gaaray degmada Widhwidh

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Wafdi kasocda Puntland oo gaaray degmada Widhwidh

Postby FBISOMALIA » Sat Jul 02, 2011 11:10 pm

Wafdi uu horkacayo wasiir kuxigeenka wasaaradda waxbarashada Puntland islamarkaana ay wehliyaan taliye kuxigeenka sadexaad ee booliska Puntland Gaashaanle Cabdilahi Saalax iyo xildhibaan Faarax Sulub Jaamac ayaa gaaray degmada Widhwidh ee gobolka Cayn.

Wasiirka kuxigeenka waxbarashada Puntland Cabdiraxmaan Diiriye Carab oo horkacyo wafdiga oo wareysi siiyay Horseed Media ayaa sheegay in u jeedada socdaalka ay ku tageen degmada Widhwidh uu yahay mid ku saabsan sidii looga wacyi galin lahaa shacabka degmada qorshe maamulka Somaliland uu ku doonayo inuu isaga horkeeno shacabka gobolka iyo guud ahaan Puntland.

Wasiirka ayaa sheegay inay la kulmeen dhamaan isimada iyo waxgaradka degmada islamarkaana ay u sheegeen in maamulka Somaliland inuusan wax dan ah uu haynin shacaka gobolka sida uu sheegay.

Waxaa uu sheegay in looga baahanyahay bulshada degmada Widhwidh inay ku adkaystaan mowqifkii ay ka qaateen shirkii dhowaan lagu soo gabagabeeyay degmada Widhwidh oo ay ka qaybgaleen masuuliyiin katirsan Somaliland iyo xubno uu horkacayo Keyse Cabdi Yuusuf.

Mar uu ka hadlayay baahiyaha gobolka Cayn iyo waxqabad la’aanta lagu dhaliilo dowladda Puntland ayaa waxaa uu sheegay in gobolka wax badan uu iska badalay sidii uu ahaa xukuumadihii ka horeeyay dowladda uu hogaamiyo madaxwayne Cabdiraxmaan Faroole.

Waxaana uu sheegay in xiligaan ay dowladda Puntland mushaaraad siiso 27-macalimiin oo wax ka dhiga dugsiyada waxbarasho ee degmada Buuhoodle halka markii hore uu sheegay in 7-macalin ay ugu yimaadeen guud ahaan gobolka Cayn.

Socdaalka wafdigan ee degmada Widhwidh ayaa kusoo beegmaysa xilli dhowaan masuuliyiin katirsan Somaliland iyo xubno uu hogaaminayo ay ka qaybgaleen shir looga hadlay xaaladda gobolkaasi oo ka dhacay degmada Widhwidh kaasi oo laga soo saaray go’aamo quseeya bulshada gobolka Cayn.

Horseed Media.

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Re: Wafdi kasocda Puntland oo gaaray degmada Widhwidh

Postby FBISOMALIA » Sat Jul 02, 2011 11:17 pm

WIDH WIDH: Masuuliyiin ka tirsan Puntland oo booqday widh widh

Widh widh: (pp)- Wafti ballaaran oo isugu jira wasiiro kuxigeeno iyo laamaha amniga Puntland ayaa maanta gaaray degmada widh-widh ee Gobalka Cayn islamarkaasna ay ka mid ahaayeen wasiir kuxigeenka wasaarada waxbarashada Puntland Cabdiraxmaan Diiriye Carab, teliye kuxigeenka sadexaad ee Booliska Puntland g/sare Cabdilaahi Saalax iyadoo ay waftigaan ku weheliyeen xubno ka tirsan baarlamaanka Puntland ayaa si wayn loogu soo dhaweeyey degmada widh-widh ee Gobala Cayn.

Waftigaan ayaa howlo kormeera u tagay degmada widh-widh islamarkaasna warbaahinta u sheegay in ay deegaanka u tageen in ay bulshada reer widh-widh kala hadlaan sidii ay uga hortagi lahaayeen howlo marin habaabina oo uu ka wado maamulka Soomaliland deegaankaasi, islamar ahaantaana ay bulshada reer Widh-widh uga wacigalin lahaayeen waxkasta oo la isaga horkeeni karo shacabka reer Widh-widh iyo maamulkooda Puntland taasina ay tahay lagama maarmaan in ay tagaan deegaankaas.

Wasiir kuxigeenka wasaarada waxbarashada Puntland mudane Cabdiraxmaan Diirye Carab ayaa qaybaha kala duwan a ee bulshada kula hadlay meel fagaaro ah islamarkaasna kala hadlay in waftigaani uu u yimi deegaanka sidii ay shacabkooda reer widh-widh ugu gudbin lahayeen mowqafka Puntland ee kaga aadan in ay kaga hortagaan waxkasta oo caqabad ku ah bulshada iyo deegaankaba.

Sidoo kale wasiirka ayaa intaas ku daray in maamulka soomaliland uu mudooyinkii ugu dambeeyey khal-khal ka wadeen deegaanka iyo guud ahaan gobalka Cayn balse aysan Puntland u dul qaadan doonin faragalinta uu ka wado guud ahaan gobalka Cayn iyo deegaankaba hase yeeshee uu waftigaani jawaab bixin doono xaqiiqda iyo xag gudubka ay soomaliland ka wado gobalka Cayn.

Wasiirka ayaa sheegay in Dowlada Puntland qorshaynayso sidii ay gobalka Cayn wax ugu qaban lahayd islamarkaasna ay u ogaan lahayd baahida dhabta ah ee ka jirta guud ahaan gobalka, wuxuuna Wasiirku intaas ku daray in dhawaan wafti balaaran ay imaan doonaan gobalka taas oo ay ku doonayso Puntland inay ogaato baahi kasta oo ka taagan gobalka, balse ay jiraan caqabado badan oo hortaagan wax kasta oo wax loogu qabanayo Gobalka Cayn.

Xukuumada haatan talada haysa ee uu hogaaminayo Madaxwaynaha Puntland Dr Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey ku howlanayd sidii ay degmooyinka iyo deegaanada aan hoos imaan laamiga u dirtay waftiyo kala duwan oo xaqiiqo raadina ,kuwaas oo tegay inta badan deegaanada ka fog laamiga.

Ugu dambayntii waftigaan ayaa ku soo beegmaya xili ay dhawaan shirar kala duwan ku qabteen degmada Widh-widh ee Gobalka Cayn kuwaas kooxo taageersan soomaliland oo ku doonaysay in ay deegaanadaas ay hoos keenaan maamulka Somaliland.

User avatar
udun
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9018
Joined: Sat Apr 03, 2010 12:11 pm

Re: Wafdi kasocda Puntland oo gaaray degmada Widhwidh

Postby udun » Sat Jul 02, 2011 11:36 pm

Good move!
PL :up:

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Re: Wafdi kasocda Puntland oo gaaray degmada Widhwidh

Postby FBISOMALIA » Sun Jul 03, 2011 6:32 am

Good move!
PL :up:
puntland will always secure its land :up:

User avatar
udun
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9018
Joined: Sat Apr 03, 2010 12:11 pm

Re: Wafdi kasocda Puntland oo gaaray degmada Widhwidh

Postby udun » Mon Jul 04, 2011 9:41 pm

Good move!
PL :up:
puntland will always secure its land :up:
Yes bro FBISomalia.

ka noxow nafta waa :lol: :lol: :up:

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Re: Wafdi kasocda Puntland oo gaaray degmada Widhwidh

Postby FBISOMALIA » Tue Jul 05, 2011 5:14 am

Good move!
PL :up:
puntland will always secure its land :up:
Yes bro FBISomalia.

ka noxow nafta waa :lol: :lol: :up:
wa wax oo naxaan sxb :lol: :lol:


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Sool”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 3 guests