Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

GAROOWE: Xildhibaan Faarax Sulub canbaareeyey Maamulka sland

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

GAROOWE: Xildhibaan Faarax Sulub canbaareeyey Maamulka sland

Postby FBISOMALIA » Wed Jul 13, 2011 7:52 am

Image

Garoowe: (pp)- Xildhibaan Faarax Sulub Jaamac oo ka mid ah baarlamaanka Dowlada Puntland kana soo jeeda gobalka Cayn ayaa maanta ka warbixiyay safaro ay ku soo mareen gobolka Cayn, isla markaasna canbaareeyey maamulka Somaliland.

Mudanahan oo shir jaraa’id ku qabtay xarrunta baarlamaanka Puntland ee Garoowe ayaa ka waramay nabad-galyada degaanadaasi ,isagoona sheegay in wafti uu ku jiray oo ka koobnaa Wasiiro ,Saraakiiisha amniga iyo Xildhibaano ay soo indho indheeyeen xaaladaha guud ee ka jira gobolka Cayn.

Mudane Faarax Sulub ayaa canbaarayn u jeediyey goobaha ay gacanta ku hayaan kooxaha deegaanka ka soo jeeda oo taageera maamulka Siilaanyo, isagoo intaas ku daray inay sii xumaanayso goobaha caafimaadka iyo Waxbarashada ee Deegeenada ay ku sugan yihiin kuwa taageersan maamulka Somaliland.
Madaxweynaha Somaliland ayuu ku eedeeyey inuu ka danbeeyo dhibaatooyin badan oo ka dhacay deegaanka Cayn, isagoo ku sheegay in deegaanadaas uu maamulka Siilaanyo uu ka fuliyey gumaad aan loo meel dayin ayna ku dadaalayaan inay Maxkamad caalamiya la tiigsadaan.
Mar uu ka hadlayey shir kal hore ay maamulka somalilandku qabteen deegaanka widh widh ayuu ku sheegay mid aan jirin oo ay sameeyeen kuwo danaystayaal ah , laakiin shacabka deegaankaassi ay taageersan yihiin Maamulka Puntland oo ay wax ka dhisteen.
Xildhibaan Sulub ayaa intaas ku daray in ka go’an tahay Dowlada Puntland gacan kusoo dhigida goobaha hadda ka maqan ,wuxuuna intaasi ku daray inay hadda Puntland qorshaha ugu jirta dib u soo celinta iyo iska caabinta Maamulka somaliland.
Sikasta, mudanahan ayaa sheegay oo kaliya dhibaatooyinka ka jira deegaanka Cayn iyo gumaadyadii ay ka sameeyeen Maamulka Siilaanyo, iyo dadka ku ku nool deegaanka Cayn in ay taageersan yihiin Puntland iyo isagoo afka ku dhuftay in Puntland ay soo ceshanayso magaalooyinka maqan, laakiin ma sheegin waqtiga ay damacsan yihiin inay xoreeyaan deegaanada ka maqan Puntland ee gacanta ugu jira Kooxo taageera Somaliland oo deegaanka u dhashay.

Siciid C/salaam Siciid
Garoowe Puntland

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Sool”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 1 guest