Ururka Bisha Cas Ee Gobolka Sool oo Dad bara kacayaal uqaybiyay Agab isugu jira Weel iyo baca roobka (Daaw+Sawiro)
Xili Ay wali soo kordhayaan dadka barakacayaasha ah iyo kuwa ku cayroobay abaarihii dhawaa islamarkaana dhibaato weyn ka haysay dhanka hoyga xili lagu jiray xagaaga oo dabeelo xoogan ka dhacayaan deegaanaddan lagu soo barakacay ayaa ururka bisha cas ee gobolka sool waxay dadkaasi la gaadheen bacaha Guryaha laga sameeyo Alaabta Maacuunta Wax lagu karsado bustayaal iyo alaabooyin kale oo kamid ah kuwa biyaha lagu dhaansado
degaanadda laga qeybiyay alaabooyinka oo siweyn ugu baahnaayeen dadkii dhibaatadda haysatay ayaa waxay kala ahaayeen degaanadda waqooyiga sool iyo koonurta oo boqolaal qoys loogu qaybiyay
Dadka danyarta ayaa si weyn u soo dhawaysay mucaawinadan iyaga oo u mahad celiyay cidii soo dhiibtay iyo ururka bisha cas ee gobolka sool oo maalmahan dambe ku mashquulsan sidii loogu gargaari lahaa dadka ka soo barakacay iyo kuwa kale ee abaaraha saamaysay
dhinaca kale waxaa meel fagaare ah lagu gubay qashin baco ah oo maalmihii dambe siweyn looga aruurinayay guud ahaan xaafadaha magaalada laascaanood iyadoo ururka bisha cas uu fulinayay hawsha laga aruurinayo bacaha guud ahaan magaaladda laascaanood
hawshan oo bilaabatay todobaadkii hore qorshahana ahaa inuu 3 bilood socdo ayaa lagu wadaa in lagu tirtiro bacaha qashinka ah oo dhibaato dhinacyo badan saameysay u keenay dadka iyo deegaanka iyadoo nabad guurka dhulkana lagu tirinayo inuu kaw kayahay bacaha meel walba daadsan
Gudoomiyaha ururka Bisha cas ee gobolka sool daakir Axmed warsame ayaa sheegay in ololahan lagu aruurinay bacaha qashinka ah ay laba faa,iido leedahay taasoo ku tilmaamay inay loogu talagalay in shaqo abuuris loogu sameeyo dadka barakacayaasha ah iyo in deegaanka saxdiisa la hagaajiyo si loo helo deegaan nadii ah.
sidoo kale Maamulka dawlada hoose ee degmada laascaanood ayaa kala qayb qaadanaya sidii bacaha qashinka ah loo dabar goyn lahaa magaalada
isku soo wada duuboo dhibaatada bacaha qashinka ah oo horey u daadsanaa wadooyinka ayaa xogaa hormar laga sameeyay inkastoo la oran karin waa lagawada dhameeyay
View:42
Short URL:
http://boocameonline.com/?p=16862
http://boocameonline.com/?p=16862