Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Dr.Cali Ciise Cabdi Oo La Kulmay Jaaliyadda SSC Toronto

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Knight of Wisdom
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6609
Joined: Thu Aug 27, 2009 1:56 pm
Location: Eiffel Tower

Dr.Cali Ciise Cabdi Oo La Kulmay Jaaliyadda SSC Toronto

Postby Knight of Wisdom » Sun Jul 17, 2011 1:42 am

Toronto,(Lasanod Online)- Gudoomiyaha gudida fulinta Khaatumo, Dr.Cali Ciise Cabdi ayaa maanta la kulmay jaaliyadda SSC ee magaalada Toronto..

iyo xubno kale oo ka socday Jaaliyadda Ottawa.

Shirkan oo ahaa mid ay kasoo qaybagleen dad badan oo ka socda Jaaliyadda SSC ee ku nool Toronto iyo agagaarkeeda.

Shirkan oo uu xidhiidka u hayey Maxamed Jibriil Caateeye, Waxaa ugu horeyntii lagu furay aayado Quraan ah iyo wacdi isugu jira oo halkaas ka akhriyey Shiikh Cumar Ciise.

Jaamac Abshir oo ka mid gudida Fulinta Khaatumo, kana mid ah Jaaliyadda SSC e Canada ayaa goobta kasoo jeediyey hadalo warbixin iyo soo dhoweyn isugu jira.. Isagoo dadkii uga mahadceliyey sida ay uga soo qaybgaleen shirkan, si diirana usoo dhoweeey Dr. Cali Ciise oo booqasho ku yimid Magaalada Toronto.

Jaamac wuxuu dul maray ajendaha shirka oo uu sheegay inuu yahay is waraysi iyo wada tashi..

Waxaa kadib mikaroofoonka lagusoo dhoweeyey Dr. Cali Ciise oo si qota dheer uga warbixiyey Baahida keentay in la qabto shirka Khaatumo iyo sida ay fekradu ugu dhalatay gudidooda kadiba markii ay noqotay xaalada ka taagan degaanka SSC mid aan indhaha laga qarsan karin..

"Aduunka waxaa ugu liita qaarada Afrika marka ay noqoto horumar, Afrika waa iskal sartaa oo geeska Afrika ayaa dhibtu haysataa, Geeska afrikana Somalia ayaa ugu daran, markaad Somalia eegtona iyadoo dhamaan burburka iyo colaadu wada gaadhay waxaa ugusii liita oo xag waxbarasho, xag siyaasad, xag dhaqaalo ugu hoseeye deegaanada aynu kasoo jeedno ee SSC" ayuu yidhi Dr. Cali.

Wuxuu carabka ku adkeeyey in isaga iyo ragga hawsha la wadaa aan midkoodna wax mansab ah ku rabin arrintan ay isu taageen, balse ay u hureen maal iyo waqti badan. waxa keliya ay rabaana ay tahay shacabka SSC horumarkiisa.

Waxaanu raadinaynaa inaanu dadkayga meel isugu keeno si ay u wada hadalaan oo uga tashadaan aayahooda iyagoon cidna u daba fadhiisan ayaa ka mid ahaa hadaladii Dr. Cali.

"Qurabjoogto uma go'aamin karto shacabka SSC oo intooda badan ee deeganka gudaha joogaan. waa inaynu u fududaynaa inay qabsadan shirweyne ay si xor ah ugu tashadaan sida Somaalida kale ee la midka ah" ayuu yidh Dr. Cali.

Dr. Cali wuxuu jawaabo ka bixiyey su'aalo ay qabeen qaar ka mid ah Jaaliyaddii shirka kasoo qaybgashay oo halkaas lagasoo jeediyey.

Ugu danbayntii waxaa ka warbixiyey Jaaliyadda iyo hawsha ay wado ee ku aadan shirka Khaatumo, Cumar Cali Koore, Zainab Xasan iyo Cabdiraxman Xaaji Nuur oo dhamaantood sheegay in Jaaliyada Toronto hiil iyo hooba la barbar taaganatahay Shirkaas lagu wado inuu ka dhaco gudaha, abaabulkiisana ay hore Jaaliyadda u gashay hadana ay dardar horleh gelinayaan.

Waxaana isla shirka dhexdiisa isku qoray xubno tiro badan si ay hawsha Khaatumo uga qabqaataan.

Shirkaas Toronto ku dhexmaray Dr. Cali Ciise iyo Jaaliyadda Toronto ayaa ahaa mid midho dhalay oo aan noociisa oo kale hore uga dhicin Toronto (Khaatumo), iyadoo dadka ay ka muuqatay shucuur farxad iyo midnimo, waxaana kasoo baxay go'aamo wanaagsan oo horusocod ahi.

To view the pictures, visit this link: http://lasanod.com/details.php?num=6007

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Re: Dr.Cali Ciise Cabdi Oo La Kulmay Jaaliyadda SSC Toronto

Postby FBISOMALIA » Sun Jul 17, 2011 7:01 pm

money money money :clap: :clap: :clap:


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Sool”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 6 guests