Welcome the latest two websites ee SSC, Somalia.
http://qararoonline.com/
http://www.sooljoogto.com/
London(Jidbaale):Waxaa Warbaahinta internetka ku soo biiray labadan website oo la kala yidhaahdo http://www.qararoonline.com iyo http://www.sooljoogto.com, labadan shabakadood waxay diyaar u yihiin inay si joogto ah ugu adeegaan shacabka soomaaliyeed, meel kastoo ay joogaanba.
Haddii allaha awooda lihi ogolaado waxay labadan mareegood inoo soo gudbin doonaan warar sugan, runtana salka ku haya, waxaana labadan website dalka gudihiisa u jooga wariyayaal khibrad iyo aqoon u leh warbaahinta, oo diyaarna u ah inay shacabka soomaaliyeed ka haqab tiraan.
Sidoo kale labadan mareegood waxay si gaar ahaaneed wararka uga soo tebin doonaan deegaanada SSC, sidaasi iyo ka bogasho wacan....hana ka fogaanina shabakadahan cusub oo iyagu si dardar leh inoogu soo baahin doonaa warar aynu ku diirsano, xaqiiqadana dugsanaya......
Maxamed Suldaan Siciid
London
UK




