Bishii Ramadaan oo laga arkay Buuhoodle, SSC Somalia
Ku ciida farxad dhalashada bisha Ramadaan
Caawa waxaa magaalada Buuhoodle laga shaaciyey dhalashadii bisha barakaysan ee Ramadaan, waxaana dadka Muslimiinta ah lagu war geliyey in ay berito la soomo.
Sida Culimada degaanka qaarkood laga maqlay waxaa bisha barakaysan laga arkay meelo dhowr ah oo ka tirsan degaanadda hoos yimaada magaalada Buuhoodle oo ay ka mid tahay magaalada la yidhaahdo Boqon-Gorayo.
Waxaana dhamaan Masaajiyadda ku yaala magaalada Buuhoodle laga maqlayaa ama laga bilaabay salaadii Taraawiixda.
Waxaanu dhamaan Muslimiinta meel kasta oo ay joogaan shabakada Buhodle.net ugu bishaaraynasaa dhalashada bisha Ramadan. Waxaana Ilahay uga baryaynaa in ay bishan barakaysan ku dhamaystaan nabadgelyo, ilahayna uu ka aqbalo waajibka diiniga ah ee ay gudanayaan Aamiin.
Buhodle.net
-----------------------------
Bisha ramadaan oo nin reer guura ah boqonka ku arkay laguna dhariyay
waxaan dhamaan umada muslimiinta ah ugu bishaareynaynaa
bisha barakaysnayd ee ramadaan kariim in galabta laga arkay
magaalada boqonka oo katirsan magaalada buuhoodle,
una jirta 12km dhinaca koonfureedna kaga beegan waxaana ay ku
taala gudaha ethopia waxaana arkay nin reer guuraya oo lagu magacaabo
maxamed cali samatar iyo laba gabadhood oo uu arkay iyo xaaskiisa waxaana
uu sheegey inay bishu u janjeedhay dhinac waqooyi,
waxaana laga dhaariyay khatka taleefonka waxaana wada qaatey dhamaan dadka
reer buuhoodle waxaana dhamaan soo dhaweeyay culimo aa.u diinka reer buuhoodle
oo inta badan ku kala qaybsanaan jirey rabadaanka iyo bisha barakaysan,
xamse xasan geelle
buuhoodle soomaliya