
Muqdisho,(lasanod Online)- Hogaamiyaha Hogaanka SSC Saleebaan Xaglatoosiye iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa dhowaan soo gaadhay magaalada muqdisho,
Wafdigaas oo uu ku weheliyo Garaad Jaamac Garaad Cali iyo xubno kale oo ka tirsan hogaanka SSC.
Saleebaan Xagalotoosiye ayaa sheegay inuu masuuliyiinta dawlada KMG ah ee Somalia ugu sareeya qaarkood casuumaad ay ka heleen ayna ku yimaadeen magaalada Muqdisho, islamarkaana ay kala hadli doonaan sidii ay u hano qaadi lahayd maamulka SSC iyo danta dadka shacabka ee Sool, Sanaag iyo Cayn.
Wafdiga oo ay imaatinkooda ay kusoo dhoweeyeen garoonka diyaaradaha ee aadan cade airport ee magaalada muqdisho masuuliyiin isugu jira xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan golaha xukuumada KMG ah ee Somalia, ayaa ugu horayntiiba kulan la yeeshay mudanayaasha baarlamaanka KMG ah ee kasoo jeeda Gobolada SSC, islamarkaana ku lafa guray xaalada siyaasadeed ee dalka iyo gobollada SSC ka jirta.
Saleebaan oo saxaafada uga warbixiyey imaatinkooda ayaa sheegay inay soo booqdeen caasimada Somalia, islamarkaana ay kulamo la qaadan doonaan Raysalwasaaraha xukuumada KMG ah Dr.Cabdiweli Maxamed Cali iyo madaxweynaha dawlada Somalia Shariif Shiikh Axmed iyo masuuliyiin kale. hoos ka dhegayso Saleeban Xaglotoosiye oo ka waramaya ujeedada safarkiisa Muqdisho.
To listen to the audio http://www.lasanod.com/details.php?num=6142




