Doraad Galgala-Maakhir, Shalay SSC, Maantana Leelkase
Maamulka Waqooyi Bari (Ex Puntland) wuxuu muddooyinkan dambe uu u xuubsiibtay inuu maalinba beel geed ugu xidho habardugaagga, si u markaasi shilimaad ugu helo, isagoo dhinacna gacan-saar la leh budhcad badeed huteelada caalamiga ah dhisanaysa, baabuurta qaaliga ahna ku dhex wadata dhulkii Puntland laysku odhan jirey.
Soomaalida ayaan ka maqli jirey “Waxaad barataa waa baaskaaye!, ee kooxaha maamulkan Ex Puntland horboodaya, markii ay talada maamulkaasi la wareegeen, waxay la kowsadeen meel sifir ah, oo kooxdii ka horreysey ay sida aboorka diirteen, maadaama ay tahay meel qoladii joogtaaba sii rafacdo, markay ka hayaamaan.
Ilayn cadaabiba cadaab bay ka acuudi bilaysataayee kooxdii Cadde Muuse ee diiratada ahayd, waxaa beddelay koox ka sii daran, oo ay iyaga u dheer tahay xeelado dibadaha laga soo waariday, oo hantiyo xoolo lagu helo, sida abuuritaanka budhcad badeedka, oo loo nisbeeyo inuu lahaa mid ka mid ah wiilasha Faroole ee dibadaha ka soo haajiray.
Budhcad badeednimadu way jirtey xilligii Cadde Muuse, balse xilligaasi waa la beerayey, la kobcinayey, la tababarayey, waxaana lala sugayey bahdii ay wada shaqayn lahaayeen, oo ah kooxdan hadda hoggaaminaysa, iyadoo ay kuwo reer SSC ahina ay adeegayaal ka yihiin, iyagoon docda Laascaanoodna u kici karin. Haddaba si uu maamulka Faroole u helo hanti uu ku amar ku taagleeyo, danahiisa ku fushado, waxaa markiiba xooleeyey, jeebadaha u buuxiyey budhcad badeedda, oo uu ka dhexeeyo iskaashi iyo wada shaqayn waafi ah, hase ahaate adduunyada ayaa noqotey hal tuulo.
Waxaa markiiba arrinkaasi qarxiyey oo shaaciyey shakhsiyaad ka mid ah dawladda Maraykanka, waana tii Safaaradda Maraykanka ee Kenya looga yeedhay Garaad Faroole. Horaa loo yidhi “Rag Talo kama dhamaatee”, kooxdii Garaad Faroole intay isu yimaaddeen oo ay xaalkii rogrogeen, waxay taladii ku uruuriyeen inay la soo baxaan Kaadhka Argagixisada iyo inay maalinba beel u loogaan habar dugaagga, oo uu ugu horreeyo Maraykanka. Ka dibna si ay tabtaasi cusub uga midha dhaliyaan, waxay awooddoodii oo dhan dul dhigeen Sheekh Atom, oo ay ku shaambadeeyeen Argagixiso.
Waxaanu mashrucaasi noqday mid u qarxay, oo u taabba galay, hub iyo dhaqaalana way ku heleen, iyagoo ogaa dadka ay gumaadayaan, baabi’inayaan, xasuuqayaan inay yihiin mid ka mid ah beelihii ay maamulka wada dhisteen, oo ay qaarkood ugu sheegeen inuu sheekh Atom yahay argagixiso, taasina ay u suurta galisey inay taageero kaga helaan. Ayaan darrooyinka la arko waxaa ka mid ah nin tolkiis u xiniinyo waaweyn, markii ay adduunyadii oo dhan ku soo jeediyeen, buuraha Galgalana ay maydadku buux dhaafiyeen.
Waxaa iyaduna faraha ka baxday xasiloonidii magaalada Boosaaso, oo ay dilal joogta ahi ka dhacayeen. Shacabka SSC markii ay arkeen in aanu maamulka Faroole diyaar u ahayn soo celinta magaalada Laascaanood, waxaa bilaabmay kooxo isu taagay sidii loo soo celin lahaa dhulka maqan, hase ahaatee arrintani way ka cadhaysiisey maamulka Waqooyi Bari, ka dibna waxay geed dheer iyo geed gaabanba u fuuleen sidii ay ula dagaallami lahaayeen madaxda SSC, xitaa waxay gaadheen inay dawladda Itoobiya ku musbaaraan, walow aan dheg jalaq loo siinin.
Maamulka Garaad Faroole oo adeegsanaya kuwa u dhashay deeganada SSC waanu la soconaa waqtigan xaadirka ah waxyaabaha ay ka wadaan gudaha deegaanada SSC, oo ay u isticmaalayaan siyaasad kala furfurid ah, u kala sheekayn, iska hor keenid, waxaanay aad ugu mashquulsan yihiin sidii looga hor tegi lahaa shirka Khaatumo, ee ay beeshu u ballamayso.
Haddana maamulka Faroole wuxuu dhawaan isku laalay mamaulka cusub ee Raayscayr, oo iyaguna ka baxay maamulka Garoowe, intuu waxaasi oo dhan soo dhaafay buu maanta xasuuq ba’an u geystey beesha Leelkase. Wuxuuna ku shaambadeeyey Kaadhkii Argagixisada (Al-Shabaab).
Dagaalkaasina waxaa ku naf waayey kontameeyo shacab ah, oo aan waxba galabsanin, iyadoo la ogyahay dhibka Gaalkacayo cidda ka dambeysaa inay yihiin Sirdoonka PIS, sidoo kale rag si hoose ugu shaqeeya, oo ku xidhan Maamulka Garoowe, una fuliya mu’aamaradishiisa dhagaraysan, si uu carqalad u geliyo nabadda iyo xasiloonida Gaalkacayo, kuwaasoo uu ku tuhmayo markii uu dareemay in shacabka Gaalkacayo maamulkiisan fadhiidka ah ay kasoo hor jeesteen.
Isku soo wada duubo dagaalkaasi qaawan ee Leelkase lagu qaaday, iyadoo loogu marmarsiyoonayo Alshabaab, misana dagaalkaasi wuxuu kaalin muhiima ka qaadanayaa godobihii iyo utumuhii hore ee uu maamulka Faroole galay, oo in badan la xasuusnaan doonee, xaalkoodu wuxuu isugu soo biyo shubtay Dorraad Sheekh Atom, Shalay SSC, Maantana Leelkase !!.
sscnews@hotmail.com




