Maxay ka dhalatay SSC
Mudane Maxamed Cabdi Xaashi ayaa cadeeyey in markii Puntland ay hanan kari weyday dadkii ay masuulka ka ahayd ee ku noolaa 5 gobol oo kala ahaa Sool, Sanaag, Nugaal, Bari iyo Mudug ay soo baxday baahi ah in gobol waliba tashado sidaasna ku timid maamulka SSC.
“Maxaa SSC dhalay.. Markii Xamar wax loogu noqdo ay muuqan weyday xagga waqooyina [Somaliland] ay yiraahdeen Soomaali ma nihin aya waxaa rajo weyn lagu qabay in Puntland ay xabaasha ka soo qufi doonto Soomaalida. Laakiin maxay Puntland noqotay?” ayuu isweydiiyey Madaxweyne ku xigeenkii ugu horeeyey ee Puntland.
“Madaxdii Puntland iyo maskaxdii laga filayey waxay dhaafi weyday in dawlad goboleedkii shantaa gobol ahayd inay kadhigto Gaalkacyo iyo Garowe kaliya, halkaa yaa maskaxdeeda iyo caqligeeda iyo raggii u madaxda ahaa dhaafi waayey!” ayuu yiri Maxamed Cabdi Xaashi.
“Xamaroo wax kasoo bixi waayeen iyo shirarkiilagu qabtay, Somaliland oo tiri waanu goosanay iyo Puntland oo maskaxdeeda iyo caqligeeda Garowe iyo Gaalkacyo dhaafi waayeen ayaa horta dhalay SSC, Halkaasay ka timid” ayuu sii raaciyey isagoo si weyn loogu sacab tumay.




