Like Kalshaale, SNM/Somaliland Clan Militia started war and attacked SSC/Dhulbahane People in Ceergaabo on Eid Day
Maalintii Ciida, Maleeshiyada Somalidiidka oo Dagaal Kusoo Qaaday Shacabka Dhulbahante ee Magaalada Ceergaabo Maalinta Ciida ee Barakeesan
Dagaal Ka Qarxay Magaalada Ceerigaabo-
Lasanod Online. Sunday, November 06, 2011
Ceerigaabo,(lasanod Online)- Waxaa Casarkii maanta ka qarxay magaalada Ceerigaabo, dagaal dhexmaray ciidamada Somaliland iyo shacabka kasoo jeeda SSC.
Sida wararka nasoo gaadhay sheegayaan waxaa bilaabmay Rasaas ay labada dhinac isweydaarsadeen ilaa hadana ma cada khasaaraha Dagaalkaas ka dhashay, hase yeeshee wararka horudhaca ah ayaa sheegaya dad badan oo rayid ahi ku dhineen kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.
Xaalada magaaladda oo ay Rasaastu ka socoto awgeed ayaan ilaa hada wax war ah oo Madaxbanaan aan laga heli karin, waxaase wararka qaarkood sheegayaan in ay dhaawacyo soo gaadheen Askar ay wateen Wasiirka wasaaradda Warfaafinta Somaliland Axmed Cabdi Xaabsade iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Xiirane, kadib markii ay isku dayeen inay Ergo ugu tagaan dhinac shacabka SSC , hase yeeshee waxay kala kulmeen Tacshiirad culus.
Ciidamada Somaliland ayaa la sheegay inay ciidamadoodu Guryo badan dumiyeen, Meherado kalena ay Albaabadu u laabmaan kadib markii la isla jiidhay.
Kala Socda Lasanod Online wixii kasoo kordha dagaalka Ceerigaabo.




