MashallahWararka naga soo garaya Magaalada Taleex ee gobolka Sool aya tibaxaya in manta Magaaladaasi loga dhawaqay Xubnaha Golaha Wasiirada iyo Golaha Sare ee Maamulka Khaatumo State.
Maamulka maanta la dhisay ayaa ka kooban labo qeybood oo kala ah golaha sare ee maamulka oo ka kooban saddex xubnood iyo golaha wasiirada oo ka kooban lix xubnood.
Golaha Sare ee Maamulkan cusub ayaa loo sameeyey saddex hogaamiye oo Marba mid u qabanayo Xilka magacyadoodu na waa :
1-Axmed Cilmi Cismaan Osman (Axmed Karaash)
2- Col. Maxamed Yuusuf Jaamac (Col. Indhasheel)
3-C/nuur Cilmi Qaaje (Biindhe)
Golaha wasiirada ee Maamulka Khaatumo State waxaa uu ka kobnan doona lix Wasiir Waxayna kala yihiin
1- Xuseen Saleebaan Xaaji Axmed (Xiriirka Caalamiga)
2- Maxamed Ducaale Cabdi (Amniga)
3- Cismaan Axmed Jeex (Maaliyada)
4- C/karin Faarax Dhaaye (Horumarinta & Khayraadka)
5- Maxamed Diiriye Cabdi Joof (Adeega Arimaha Bulshada)
6-Yaasin Axmed Sulub (Arimaha gudaha)
Dhulbhante members do you guys know the named ministers?