1man inadeer we are hunting some SNM get on the bandwagon..lol
The Battle is getting closer.. the Shacaab & the State are ready...
Laascaanood,(Lasanod Online)- Jawiga magaalada Laascaanood ayaa laga dareemayaa deganaansho la’aan iyo xiisad colaadeed..
oo taagan kadib markii maalintii shalay madaafiic isku qaraaceen ciidamada maamuladda Khaatumo iyo kuwa somaliland ee ku kala sugan Gambadhe iyo Higladda ee gobolka sool.
Duleedka Gambadhe oo ay ku sugan yihiin ciidamada somaliland ayaa baqdin xoogan soo wajahday kadib markii ciidamadda Khaatumo iyo shacabweynaha ay galeen heegankii ugu cuslaa ee abid ay galaan, waxaaxana shacab iyo ciidanba loo diyaarsanyahay dagaal adag oo kama danbays ah sidii maamulka somaliland looga saari lahaa magaaladda laascaanood iyo degaanadda kale ee Khaatumo.
Qaybaha kala duwan ee hubka iyo ciidamada ayaa Xalay sameeyey dabrid aad u badan, noocyada kala duwan ee qoryaha ayaa si tijaabo ahaan ah loo ridayey kuwaasoo daryankooda laga maqlayo dhul aad u durugsan, qoryaha caawa la dabridey ayaa waxaa kamid ah, qoryaha ridada dheer, iyo hub kale oo aad u culus. waxaana taasi khal khal ku abuurtay maamulka Somaliland ciidamadiisa ee ku sugan magaalada laascaanood iyaga oo xasuustay dhirbaaxadii shalay kaga dhacday degaanka sool-joogto ee gobolka cayn.
Shacabka Laascaanood ayaa ah kuwo aad u kacsan waxaana wadooyinka lagu arkayaa dadweynaha buux dhaafinaya oo iska waraysanaya dhaqdhaqaaqa ka socda degaanka gambadhe ee gobolka sool, waxaana dadka shucuurtoodda ka muuqata kacdoon aad u adag inaba majirto cabsi iyo naf jeclaysi laga dheehanayo wejiyada dadka waxaana dadku yihiin kuwo markii ugu horeysay aad isugu kalsoon oo aan welwel qabin.
Xaalada magaalada Laascaanood iyo gobolka sool ayaa u muuqata mid aanu ka baaqaynayn dagaal dhiig ku daato marka la eego is indhatirka iyo gardarada isyeelyeelka xambaarsan ee uu ku socdo maamulka Somaliland, iyo dhiiranaanta iyo gobanimo u dagaalanka shacabka Khaatumo ee ku dhaqan gobolka sool, waxaana dadka oo dhami hadda indhaha ku hayaan sida xaalku ku danben doono.
Xafiiska Wararka Laascaanood