Once again Khatumo shows that Islam is our Deen.
Laascaanood,(lasanod Online)- Xaflad balaadhan oo lagu xidhayay dhismihii dhawaanahan lagu waday masjid jaamaca magaalada Laascaanood..
nood dhismahan oo ay gacanata ku hayeen culumada magaalada Laascaanood iyo ganacasato isu xilsaartay sidii loo hagaajin lahaa masaajidka.
Dhismahan ayaa waxa uu yahay mid aad u qurax badan oo ay ka muuqato farshaxan aad usareeya oo shirkada Daldhis ay u dhistay, waxa uu masaajidakani uu jiraa mudo aad u dheer 1930 ayaaRukumada lootaagay. waxa halkaas ka aqriyay taariikhda masjidka shiikh Cali Macalin ee sheegay inuu majidkani soo maray maraaxil kaladuwan maanta lagarabo jiilasha nabadlaya in ay sii wadaan dhismaha masjidka.
Waxa isna halkaas ka hadalay sheekh Axmed Maxamed Saleebaan oo sheegay inaan loo dhisin salaad oo kaliya laakiin loo dhisay sidii loogu baran lahaa Diinata Islaamka, waayo waxa uu yahay dadka muslimiinta ah madarisad waxa ayna waxa ka baranayaan masaajidkan una soo doonanayaan barshada diinta islaamka oo muhiim ah in ruux kastaa uu barto diinta islaamka ayaa kamid haa hadaladii shiikha.
Waxa isna halakaas ka hadlay Cali d=Dheere oo kamid ahaa masuuliyiin tii gacanta ku haysay dhismaha majidka oo faah faain dheeri ah halkaasi ka soo jeediyay kuna dheeraadya qiimaha iyo sida ay ukala bexeen sheegayna in masaajidka ay hada u hayaan lacag dhan 500$ Doolar, waxa uuna sheegay in masaajid loobaahan yahay la joogteeyo caawimaadiisa.
Masaajidkani waxuu magaalada Laascaanood ku soo kordhiyay qiimo aad uwayn waxa uuna kaalin wayn ka qaadana yaa siidii kor loogu qaadi lahaa barshada diinta islaamka iyo aqoonta dadka dhamaan shacabka ku nool magalada Laascaanood ayaa waxa si farxadi ku dheehan tahay u soo dhaweeyeen dhamaystirka majidjaamaca Laascaanood.
waxay illaahay awgee uga mahad celiyeen dadkii muxsiniinta ahaa ee ka qayb qaatay dhismaha masjid jaamaca laascaanood, waxayna sheegeen in tusaale fiican u tahay dadka deegaandan daga sidii ay islu kaashan lahaayeen horumar kood iyo wax ka qabadka deegaanadan sida wadooyinka magaalooyinka iyo cusbitaalada.
[youtube]FHs5QztEu58&feature=youtu.be[/youtube]