Masuuliyinta iyo waxgaradka beesha Absame ee deegaanada Azaaniya ayaa maanta kulan qado sharaf ah u sameeyay walaalahooda beesha Dhulbahate ee khaatuma State ee ku sugnaa maalmahan magaalada Nayroobi. Kulankan oo ahaa mid heer sare ah ayaa kala war qaadasho ka dib waxay isla meel dhigeen labada beelood in la xoojiyo midnimada iyo wadadhalasha iyo in laga shaqeeyo midnimada Soomaliya waxaana goob joog ahaa dhinaca beesha Absame Madaxweynaha dowlad gobaleedka Azaaniya Prof Gaandi, Suldaan Cabdi Cali Sonkor, Ugaas Maxamed Xasan Shongolow, Ugaas Xuseen, Sh Khaliif Guure,Nabadoon Cabdi Boorle iyo Gudoomiyaha J/Hoose Ilyaas Badal.
Halka dhinaca beesha Dhulbahante goob joog ka ahaayeen Madaxweyaha Khaatumo State Mudane Cabdi Nuur Cilmi, Dr. Cali Khaliif, Cabdikariim Garaad Jaamac, Ugaas Cabdulaahi Ciise Nuur iyo masuuliyiin kale oo fara badan kulanka ayaa ku dhamaaday farxad iyo jawi wanaagsan.