Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Isaxaaq Waxay Haystaan 38 Hay’adood Oo Madax-banaan,Hartis

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
KingBlack
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 845
Joined: Tue Feb 24, 2009 6:17 pm
Location: God keep our land glorious and free!Canada, we stand on guard for thee.

Isaxaaq Waxay Haystaan 38 Hay’adood Oo Madax-banaan,Hartis

Postby KingBlack » Wed Oct 17, 2012 8:36 pm

“Reer Sheekh Isaxaaq Waxay Haystaan 38 Hay’adood Oo Madax-banaan, Dhul-bahante Iyo Samaroona Hal Ma Haystaan, Afarta Kursi Ee Dalka Ugu Saraysana Waxa Ku Fadhiya Afar Nin Oo Isku Beel Ah”Cismaan Kalash

Siyaasi Kalash oo Madaxwyne Siilaanyo kula Taliyay inaanu isku Dhufan Beelaha Darafyada iyo inuu wasaaraddaha Miisaanka leh uu wax ka siiyo Hartiga. Afarta Kursi ee dalka ugu Sareeyana waxa ku fadhiya afar Nin oo isku beel ah”Cismaan Kalash

Oct 17, 2012 Hargeysa(Cadceed) – Cismaan Xuseen Bulxan (Cismaan Kalash) oo ka mid ah Siyaasiyiinta waaweyn ee Gobolada Sool iyo Sanaag ka soo jeeda ee Somaliland , xilalka kala duwana ka soo qabtay dawlada Somaliland ayaa si weyn u dhaliilay miisaanka Kursiga madaxweyne Siilaanyo u magacaabay siyaasiga Saleban Ciise Axmed Kaar, kuna tilmaamay mid aan wadada ka duwayn tabashadii Beesha Dhul-bahante ee dhinaca saami qaybsiga Hay’adaha dawlada.

Cismaan Kalash oo Wargeyska Waaheen shalay u waramay isagoo ku sugan Magaalada Hargeysa, waxa uu ku dooday inaanay talaabada madaxwenuhu qaaday ahayn mid soo dhaweyn ka helaysa bulshada Dhul-bahante, hase yeeshee ay iska horkeen iyo cuqdad ka dhex abuurayso Beelaha darafka Galbeedka ee Xilka Xaglo Toosiye loo magacaabay laga qaaday.

Waraysigan oo uu kaga hadlay arimo badan oo khuseeya Siyaasadda Xukuumada ee Bariga iyo guud ahaanba dareenka ka dhashay Magacaabista Xaglo-toosiye iyo wixii ay filayeen ka hor intii aan la magacaabin, waxa kale oo uu ku sheegay in saddexda Kursi ee dalka ugu sareeya ay ku fadhiyaan saddex Nin oo Isku beel ka soo jeedaa, taasina ay Xiqdi siyaasadeed iyo Sad-bursi ku tahay qayb ka mid ah Bulshada Somaliland.

Cismaan Kalash oo ugu horayn ka hadlaya sida uu u arko Magacaabista wasiirka Dib u dejinta iyo Miisaanka wasaaradda loo dhiibay waxa uu yidhi “Waxaanu madaxweynaha leenahay madaxweyne way wanaagsanayd inaad Dhulbahante Kuraas siisaa, laakiinse may ahayn inaad Samaroon uga qaadid, waxay inaad kuurasida waaweyn ee Isaaq ee Maaliyadda, Duulista Hawada, macdanta iyo biyaha, Waxbarashada, Caafimaadka iyo Xanaanada Xoolaha inaad siiso ayay ahayd, may ahayn inaad ma siisid kuraasida yar-yar ee Dharbashta ah, kuguna hambalyayn mayno. Waxa weeye arintaana aadbaanu uga xunahay hadaanu Dhulbahantihii dalka ka midka ahaa, arintaana waxaanu leenahay kii aad siisayna Meel ka dhac ayay ku tahay, kaad ka qaaday iyo qabiilkiisana waa ku meel ka dhac.

Labada beelood ee Darafyada may ahayn inuu wax u kala qaado oo uu colaad dhex geliyo ee madaxweynuhu ha ka fiirsado,kamana xumin in dhulbahante wax la siiyay, laakiinse reer kale inaad kuraasidooda na siiso raali kama nihin ,waxaanan leenahay madaxweyne Kuraasida waaweyn ee Reer Sh. Isaxaaq ku fadhiyaan dadka u qaybi” – “38 Hay’adood oo madaxbanaan ayaa Isaaq ku fadhiyaa Hay’ad kaliya annaga iyo samaroontoona kuma fadhino ama ma haysano,waxaanu leenahay dalka saami qaybsigii fiicnaa ee xiligii Rayale ilaa Cigaal lagu jiray ku soo celi, waayo Saddexda waaxood ee dalku ka koobanyahay ee Waaxda Sharci dejinta, Waaxda Xukuumadda iyo Waaxda Garsoorka saddexda waxa haysta Beesha Madaxweynuhu ka soo jeedo.

S: hadii uu madaxweynuhu Kuraas idin siiyay maxaad ugu hambalyayn waydeen ee aad ugu eedeynaysaan?

J: madaxweynaha waxaanu ugu hambalyayn waynay oo aanu ugu eedaynaynaa may ahayn Wasaaradda dib u dejinta oo Reer ku fadhiyo na siiyo, mana ahayn inuu Ganacsiga Rifo oo yidhaahdo Ganacsiga iyo Warshadaha ayaan kala saarayaa ee waxay ahayd wasiirka inuu siiyo Maaliyada ama arrimaha gudaha ama wasaaraddaha waaweyn ee qolada reer Sh. Isxaaq ku fadhiyaan.

Ta nabadda diyaarbaanu u nahay, wixii nabada ka soo horjeedana annagu heshiis lama nihin wixii na soo gala ee madaxweynuhu wax siinayo in la hagaajiyo raalibaanu ka nahay , wixii colaad wadana waanu ka soo horjeednaa.

S: Maadaama oo siyaasiyiinta aad ka mid tahay ee Gobolada ka soo jeedaa waxba hore u qaban waydeen, ma u muuqataa inaad ka hinaasteen Beesha qaybtii maqnayd siyaasiyiin ka soo jeeda oo Miisaan leh inay ku soo biiraan siyaasada wadanka?

J: horta annagu waxba maanu qaban waayin oo Ninka ugu yari labaatan sanadood ayuu joogay, waxaanu nahay Ragii Dhulbahante markuu mar Puntland aadayay, marna Khaatumo aadayey ku lahaa waar tanaynu nahaye aynu nimaadno, markaa annagu maanta Khasaare ma joogno ee halkii aanu joognay ayaa dadkii dantu ku soo wada Kaliftay, sidaa awgeed waxaanu raali ka nahay kuwa Kuraasta u waal-waalanaya ee marba meel ka degaya in kuraasta beesha la siiyo, kumana haysano, laakiinse ta aanu diidanahay waxa weeye beel nala siman in waxeedii naloo googooyo oo beelaha Miisaanka dalka haysta wax ka jari waayo madaxweynuhu.

S: maadaama oo siyaasiyiintii la magacaabay Raali ka yihiin, maxaa idin shidaya idinka hadaa, madaxweynahase ma kala hadasheen oo ma u bandhigteen Saamiga waaweyn ee aad sheegayso?

J: waanu u bandhignay, waanu ogyahay oo madaxweynuhu inkasta oo la leeyahay dastuurbaa loo gudbay hadana dalku wuu beelaysanyahay oo Somaliyi beelahaasay wax ku qaybsataa , Beesha hartina waxay lahaan jirtay Guddoomiyaha Maxkamadda sare iyo laba Guddoomiye Baarlamaan midkooda waa laga qaaday oo laba Nin oo Isaaqabaa ku fadhiya, laba Nin oo Habarjeclo ah iyo Nin Habar yoonis ah ayaa saddexda Kursi ee dalka ugu sareeya haysta, markaa waxaanu leenahay afarta Kursi waa inaanu labadayda helnaa hadaanu Hartiga nahay, Wasaaraddaha waaweyna waa inuu dadka imanaya wax ka siiyaa.

S: siyaasiyiinta Gobolka Sool ee xukuumadda ku jirta Dhaliilbaa inta badan loo soo jeediyaa, ka sakow tan iminka aad ka hadlayso, arintaasi sidaad u aragtaa?

J: horta maamulkani anigu waxaan u arkaa inuu wax badan dhaqaajiyay oo la qabtay,wax badan oo ay ku dhaliilanyihiina ay jiraan, xaga horumarka Goboladda Barigu Horumar badan ma leh hadii loo gaadho Burco, sool iyo Sanaag horumar fiicani kama jiro, wax badan Xukuumaddan iyo tii Rayaale isuma dhaamaan, waxa kale ee ay isu dhaamaan waxa weeye askari laba boqol iyo konton qaadan jiray oo laba boqol iyo Konton loogu daray, waxa kale oo iska bedelay oo horumar ah anigu kolay ma ogi.

Dad badan oo ka cabanayay biyo la’aan iyo Caafimaad darona waan arkayay, Biyuhuna kolay ma dhaafaan Burco oo Mashaariicdaa Biyaha ma helaan goboladaasi , kuwa waxbarashadana ma helaan, markaa xagaa horumarka wax badan isma dhaamaan.

S: markaa inta aad iminka madaxweynaha ku dhaliilaysaan Mansabyadan uu bixiyay, maxaa ugala hadli waydeen cabashooyinka Gobolada ka jira iyo sababta wax looga qaban waayay?

J: in badan baanu u sheegnay oo Qoraalo u geynay annagoo ah masuuliyiin badan oo Reerka ah, markii aanu nabada Ceerigaabo ka soo dhamaynay ayaanu ku nidhi waa in ceerigaabo horumarkeeda wax badan laga qabtaa oo wadooyinka iyo isku dheeli tirkeeda wax laga qabtaa,wax madaxweynuhu arintaa ka qabtayna ma leh.

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Sool”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 5 guests