Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

TACSI: GARAAD CABDIQANI GARAAD JAAMAC

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Kalashnikov
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2006
Joined: Wed Aug 17, 2005 4:32 pm
Location: CHILLING AT KAALMOYS YARD IN GEDO

TACSI: GARAAD CABDIQANI GARAAD JAAMAC

Postby Kalashnikov » Fri Feb 10, 2006 10:09 am

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAAYHI RAAJICUUN


WAXAA GEERIYOODAY GARAADADA SOOMAALIYEED EE AAD CAANKA U AHAA GARAAD CABDIQANI GARAAD JAAMAC OO KASOO JEEDA BEESHA DHULBAHANTE.

TAARIIKH NOLOLEED GARAADKA ALLAHA U NAXARIISTEE:

Taariikh Nololeedkii Allahaw Naxariistee Garaad C/qani Garaad Jaamac



Allahaw Naxariistee Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac waxaa uu ku dhashay Magaalada Laascaanood sanadkii 1935,halkaasi oo uu ku bartey Qur’aanka kariimka ah,waxaanu sidoo kale dugsiga hoose ka galay magaalada Laascaanood 1945kii ,dugsiga dhexe waxa uu ka galay Magaalada Shiikh sanadkii 1949.



Sanadkii 1953 ayuu ku biiray Macahadka Farsamada gacanta ee Magaalada Boorame,waxaanu allahaw naxariistee Garaad C/qani waxbarashadiisa Jaamacadeed ku soo qaatey Dalka Ingiriiska dabayaaqadii sanadkii 1959, wuxuuna ka soo qalin jabiyey kuliyada siyaasada.



Allahaw naxariistee shaqadii ugu horaysey waxaa uu Garaadku ka qabtey Bangiga waxaanu guddoomiye ku xigeen ka noqday laantii Berbera xiligii gumaystuhu haystey dalka,isla waayahaas waxuu garaadka loo magacaabay Guddoomiyaha Degmada Ceerigaabo,mar kale ayaa garaadka loo magacaabay Guddoomiyaha Degmada Berbera.



Allahaw naxariistee Garaad C/qani waxuu gobonnimada ka dib mudo dheer madax ka ahaa xafiiska danaha Soomaalida,kaasi oo uu garaadku wax weyn ka jibo keenay.



Allahaw Naxariistee Garaadku wuxuu shaqada ka fadhiistey sanadkii

1981,Inta badana waxa uu garaadku nolashiisa ku qaatay Magaalo madaxdii Soomaaliya ee Muqdisho,waxaana garaadnimada loo caleema saaray Garaadka sanadkii 15-11-1985, iyadoo lagu caleema saaray duuxada Geeda Qarsay ee magaalada Laascaanood,kadib markii uu geeriyooday Garaadkii hore Garaad Cali Garaad Jaamac.

Garaad C/qani waxa uu ahaa Garaadkii 18 Tobnaad ee dhaxla Boqortooyada Beelaha dega Gobollada Sool Sanaag Iyo Cayn,garaadku waxaa uu ka mid ahaa dadka faro ku tiriska ahaa ee dhaliilay hanaankii Dawladii Kacankii Max’ed Siyaad Barre,waxaanu ka mid ahaa 114kii nin ee saxiixay Bayaankii caanka ahaa ee Maanofaysto ee 15 May sanadkii 1990 ka soo baxay magaalada Muqdisho.



Dawladii Raysulwasaare Cumar Carte Qaalib ee aan hirgalin ee dhamaadkii sagaashanaadkii waxaa garaadka loo magacabay 17 Janaayo Sanadkii 1990 Wasiirka Arimaha Dibada.



Allahaw Naxariistee Garaadku waxii ka danbeeyey burburkii Dawladii Soomaaliya ka dib waxaa uu ka qayb galay Shirar badan oo Soomaalida lagu nabadaynayey,waxaanu ahaa Shirkuu ugu horeeyey kii ka dhacay Tuulada Oog 5 Febaraayo ee sanadkii 1991,kaasi oo ahaa shir xabad joojineed ee ay wada gaadheen Beelaha Waqooyiga Soomaaliya.



Sidoo kale waxaa uu ka qayb galay Allahaw Naxariistee Garaad C/qani Shirkii isna ka dhacay degmada Berbera,sidoo kale waxaa uu Garaadku ka qayb galay shirkii ka dhacay Magaalada Burco sanadkii 1May 1991-kii,waxaa kale uu Garaad C/qani ka qayb galay labadii Shir ee golol xaadhka iyo Dhisidii Puntland sanadkii 1998,sidoo kale waxaa uu Garaadku ka qayb galay Shirkii lagu soo dhisay Dawladii Carta ee uu Madaxweynaha ka noqday C/qaasim Salaad Xasan sanadkii 2000.



Waxuu Garaadku maalinimadii Shalay Ahayd ku geeriyooday Magaalada Jabuuti,waxaanu Allahaw Naxariistee Garaadku Ifka kaga tagay Sadex wiil iyo Sagaal Caruur ah oo ay sii dhaleen,waxaana Maanta Garaadka Lagu Aaasay Xabaalaha Magaalada Laascaanood.

ILaahay hawnaxariisto Garaad C/qani Garaad Jaamac


http://www.sscayn.com/fullpage.php?sscid=2201

User avatar
CrooKed-I
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 691
Joined: Tue Feb 25, 2003 7:00 pm
Location: TaLeX-CouNTY--> THe LaST DeRViSH
Contact:

Postby CrooKed-I » Sun Feb 12, 2006 6:44 pm

Allaha-Weyni Ha U Naxariisto Garaad Abdi'qani Garaad Jaamac Rolling Eyes
Samir Iyo Imaan'na Haka Siiyo Dhamaan Ehelkiis Iyo Qarabadiisaba

Nin Khatar-ah Buu Ahaa
Waana La Tabi Doona Maqnanshahiisa

User avatar
fagash_killer
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13942
Joined: Wed Dec 29, 2004 3:28 pm
Location: And You Can Run For ya Back-up But Them Machine Gun Shells Gone Tear Ya back Up

Postby fagash_killer » Mon Feb 13, 2006 3:47 pm

he was an true somaliland soulja namean all the dhulos should follow his footsteps


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Sool”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 3 guests